Ardayda wax ka barata dugsiyada kala duwan ee Aduunka ayaa waxa ay marar badan cabashooyin ka muujiyaan su’aalaha ay macalimiintu ku waydiiyaan imtixaanka kuwaasi oo ka mid ah casharadii loo dhigay.

Qaar ka mid ah ardayda fasalka 5aad ee dalka China

Laakiin Dalka China waxa ka dhacday arrin taasi ka duwam,su’aashaasi ayaa waxa la waydiiyay ardayda dhigata fasalka shanaad ee Dalkaasi kuwaasi oo la shegay in da’ahoodu aanay kor u dhaafin 11 jir .

Su’aashaasi la waydiiyay Ardaydaasi ayaa waxa ay u dhignayd sidan “haddi uu jiro markab ay saaranyihiin 25 orgi iyo 10 riyood imisa ayay noqonaysaa da’da naakhuudaha markabkaasi wadaa ?”.

Su’aashaasi ayaa waxa ay cadha galisay ardayda fasalka shanaad wax ka barata ee Dalka China,diyaariyaha imtixaankaasi ayaa waxa uu sheegay in sababta ay su’aashaasi ardayda u waydiiyeen in ay tahay tijaabo ay ka qaadayeen halka uu gaadhsiisanyahay fikirka ardaydaa yaryari.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA