Dalka Suuriya ayaa waxa ka dhacday dhacdo aad u aragagax badnayd taasi oo lagu tilmaamay in ay ahayd dhacdo cajiiba isla markaana aad uga yaabisay dadka ku nool dalkaasi sida ay baahisay wakaalada wararka Dalkaasi ee SANA.

Dhacdadani ayaa waxa ay ahayd in haweenay uu qabay Askari ka tirsan ciidamada Dalkaasi ay qudha ka jartay intaasi kadibna ay maydkiisa xubxubin u jarjartay kuna gurtay baco .

Askarigan oo ay ciidamada Dalkaasi muddo dheer raadinayeen isla markaana ay aamineen in uu ka mid ah dadka ku dhintay dagaalka ka taagan gudaha dalkaasi ayaa waxa ay baadhitaano badan kadib ku xaqiijiyeen in ay xaaskiisu suuxiisay intaasi kadibna ay dishay kadib markii ay dishay ee ay maydkiisii baco ku gurtayna ay gubtay intaasi kadibna ay ku turtay mid ka mid ah dooxyada magaalada Dimishiq ee dalkaasi.

Haweenaydan ayaa waxa ay ciidamadu xaqiijiyeen in ay wehelinayeen 6 qof kale kuwaasi oo ka caawiyay sidii ay ninkeeda u khaarijin lahayd ,sidoo kalana waxa at ciidamadu cadeeyeen in sababta haweenaydaasi ku kaliftay in ay arrintaasi ku dhiirato ay ahayd khilaaf soo kala dhex galay saygeeda kaasi oo ku dambeeyay in maydkiisa gubto.

Ciidamada Amaanka ee Suuriya ayaan ilaa iyo haatan cadayn dhab ah u haynin dadka la filayo in ay arrintaasi fuliyeen ilaa iyo haatana ma jiraan dad loo xidhxidhay dilka askarigaasi.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA