Suxufi Ruugcadaa ah oo Loo Doortay Madaxweynaha Dalka Ciraaq

Baghdad, (Hawraar/Mucis):- Barlamaanka Dalka Ciraaq ayaa Fouad Masum u doortay Madaxweynaha cusub ee dalka Ciraaq Kaas oo badali doona, Madaxweynihii hore ee dalkaas Jalal Talibani.

622x350Madaxweynaha Cusub oo ah nin rug cadaa ku ah saxaafada iyo dhaqanka waxa uu ku guulaystay codkii ugu badnaa ee barlamaanka, waxaana ninkan dadka faaleeya iyo Ciraaqiyiintu isku raaceen inuu yahay siyaasi dhex dhexaad ah, aadna looga jecel yahay dalkaas.

Maxamed Fouad Bin Sheikh Mullah Masum, waxa uu ku dhashay degmada Koya ee gobolka Kurdistan sanadkii 1938-kii, waxaanu waxbarashadiisi dugsiga ku soo qaatay dalka Ciraaq, ka dibna waxa u galay, jaamacada Azhar taas oo uu derajada digtoor ka diyaariyay culunta falsafada Islaamiga ah, (Islamic philosophy), sanadkii 1975-kii.

Maxamed Fouad Bin Sheikh, ayaa sida lagu sheegay taariikh nolaleedkiisa waxa uu shaqadii ugu horaysay ee uu qabtay ahayd, wariye-nimo, taas oo uu kaga hawl galay, idaacadii codka halgamayaasha Kurdistan ee Magaalada Qaahira Sanadkii 1958-kii.

Fouad ayaa muddo dhawr sanadood ah ka garab shaqaynayay Sheekha Kurdiyiinta safiirka uga ah Jaamacada Azhar oo lagu magacaabi jiray, Sheikh Omar Sheikh Wajdi, sheekhaas oo ka mid ahaa culimada waaweyn ee Mad-habta suniga ah, isla markaana jaamacada Azhar u qaabilsanaan jiray, isku soo dhawaynta Mad-habaha Islaamiga ah iyo wada hadalada diimaha kale ee Samaawiga loogu yeedho, sida Yuhuuda iyo Kiristaanka.

Muddo dheer markii uu ka hawl galayay idaacadii halgamayaasha Kurdistan ee Qaahira xarunteedu ahayd, waxa uu si rasmi ah uga mid noqday kooxihii u dagaalamayay qadiyada Kurdistan, waxaanu noqday raysal Wasaarihii ugu horeeyay ee xukuumadii Kurdiyiintu samaysteen sagaashanaadkii qarnigii hore ee aynu ka soo gudubnay.

Sanadkii 2005-tii ayaa markii ugu horaysay loo doortay mudane ka tirsan barlamaanka dalka Ciraaq, waxaanu ka soo baxay Magaalada Baqdad, xiligaas oo uu kaalinta kowaad u galay liiska musharaxiintii isbahaysiga axsaabta Kurdiyiinta ee caasimadda Baqdaad.

Tobanaankii sanadood ee u danbeeyay waxa uu si wayn uga hawl gali jiray, jaamacadaha waaweyn ee dalkaas, gaar ahaan jaamacada magaalada Basra oo uu ka ahaa hormood sare, waxa kale oo uu dedaal badan ka galay, isku soo dhawaynta mad-habaha iyo qoomiyadaha kala duwan ee dalkaas, waxaanu sidoo kale ka mid ahaa dadka sida wayn u taageersan in madax banaani ama maamul hoosaad awood badan in Kurdiyiintu helaan ku dhegan.

Fouad Masum waxa uu noqday hogaamiyihii ugu horeeyay ee golihii ku meel gaadhka Ciraaq markii nidaamkii Sadaam Xuseen burburay, waxa kale oo uu noqday, guddoomiyihii golaha diyaarinta dastuurka cusub ee dalka Ciraaq, waxa kale oo uu soo qabtay jagooyin badan oo ay ugu danbaysay guddoomiyaha kudlada xildhibaanada Kurdiyiinta Ciraaq ee barlamaanka dalkaas.

Waxaanu laga bilaabo maanta noqday madaxweynaha cusub ee dalka Ciraaq, isaga oo badalay madaxweynihii ka horeeyay ee dalkaas Jalal Talabani oo isaga laftiisu ka mid ah siyaasiyiinta waaweyn ee dalka Ciraaq iyo qoomiyada Kurdiyiinta.

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply