Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!

SUXUFIYAD U DHALATAY DALKA MOROCCO OO GEERIYOOTAY XILI AY CUNTO CUNAYSAY!

Wakaaladaha wararka dalka Morocco ayaa waxa ay shaaciyeen dhimashada Suxufiyad u dhalatay Dalkaasi oo magaceeda la odhan jiray Haajira Al’cadluuni .

Haajira Al’cadluuni

Suxufiyadan ayaa waxa la sheegay in ay geeriyootay xili ay cunto cunaysay,sidoo kale Suxufiyadan ayaa waxa ay geeriyootay saddex maalmood uun kadib markii uu meherkeedu dhacay .

Ciidamada Amaanka Dalkaasi ayaa waxa ay sheegeen in maydka suxufiyadaasi la baadhayo isla markaana u jiro shaki ah in suxufiyadaasi sun loogu daray cuntadii ay cunaysay .

Sababta keenta shakiga ciidamada ayaa waxa ay tahay in ninka guursaday suxufiyadaasi saaxiibkii ay goob kaliya ku wada cuntaynayeen isla markaana uu xanuunsaday kadib markii isaga la baadhayna la ogaaday in uu cunay cunto sumaysan .

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA

WhatsApp chat
%d bloggers like this: