Switzerland: Nin 80 jir ah oo dhacay Bangi Ku Yaala Dalkaasi !

Ciidmada Dalka Switzerland ayaa waxa ay sheegeen in ay gacanta ku dhigeen nin Da’diisu tahay 80 jir isla markaana ku kacay arrin aad u fool xun ,ninkani ayaa waxa uu dhac iyo boob kula kacay Bangi ku yaala Magaalada Lucerne ee Dalkaasi .

 

Ninkani ayaa waxa la sheegay In uu qirtay in uu arrintaasi ku kacay isla markaana ninkani ayaa magacisa laga qariyay warbaahinta si loo ilaaliyo Shucuurta iyo Dareenka ubadka uu dhalay maadama oo uu yahay qof Da Wayn .

Ninkani ayaa waxa ay ciidamadu baahiyeen sawiro uu leeyahay kadib markii uu bangigaasi dhacay sidaasi awgeed ayaa waxa ay ku guulaysteen in ay gacanta ku soo dhigaan ,balse lama xaqiijin in ninkani xiligii uu arrintaasi ku kacayay uu hubaysnaa iyo in kale .

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com