Ciidanka Billayska Dalka Syria ayaa waxa ay ku shaaciyeen Barta ay ku leeyihiin Facebook Qoraalo ah in ay gacanta ku dhigeen haweenay u dhalatay Dalkaasi gaar ahaana magaalada Xalab macalimadna ka ahayd Jamacada Xalab oo ka dawarsanaysa wadooyinka Magaalada Dimishiq ee Dalkaasi.

 

Haweenaydan ayaa waxa ay ka qalin jabisay Jaamacada sanadkii 1987kii waxa aanay Shaahadada Master-ta qaadatay sanadkaasi,haweenaydan ayaa waxa ay ku takhasustay Luqada Carabiga waxa aanay macalimad ka noqotay Jaamacada xalab.

Haweeyandan ayaa waxa ay nooshahay kaligeed mana laha wax caruur isla markaana ma jiro nin qabaa ,dhibaato ka soo waajahday dhinaca jaamacadaasi ay wax ka dhigi jirtay ayaa waxa ay sababtay in Mushaharkeedii laga joojiyo.

Intaasi kadib mulkiilihii gurigii ay daganayd ayaa waxa uu ka saaray gurigii maadaama oo ay kiradii iska bixin kari wayday.

Intaasi kadib waxa ay timid Magaalada Dimishiq si ay u xaliso dhibaatada ka soo waajahday Jaamacada isla markaana ay arrinkeeda ugu soo bandhigto Wasaarada wax barashada,balse waxba umay qabsoomin.

Intaasi kadib waxa ay bilawday in ay wadooyinka magaaldaasi la dawarsato,waxa aanay ciidamadu sheegeen in markii ay baadheen laga helay waraaqo ay ku qortay daynta ay dadku ku leeyihiin,dadka u dhashay dalkaasi ee qoraalka ay ciidamada Bilayska dalkaasi ku faafiyeen Facebook akhriyay ayaa ku baaqay in haweenaydaasi la caawiyo.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.ner/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA