Taariikh Faneedkii Kaynaan

Maxaad ka taqaan Taariikhda Fanaanka somaliyeed ee caanka ah K’naan ,K’naan waxa uu ku dhashay kuna barbaaray magaalada Muqdisho, waxaanu halkaa ku noolaa ilaa dagaalkii xukunka lagaga tuurayay maxamed siyaad barre, kaasi oo bilaabmay 1991.

K’naan waxa u eedo ah fanaanadii caanka ahayd ee somaliyeed Xaliimo khaliif magool, awoogii oo la odhan jiray Haji mahamed isna waxa uu ahaa gabyaa wayn ,

Magaca k’naan micnahiisa waa xawaare, ama orod

Taariikhdii fankiisa

K’naan intii uu yaraa ee uu fanaanka noqon waxa uu dhagaysan jiray heesaha americanka ah ee loo yaqaano Hip-hop oo uu aabihii uga soo diri jiray dalka maraykanka , oo isagu mar hore ka tagay dalka .

Markii uu 13jir ahaa ayaa isaga iyo hooyadii iyo saddexdiisa walaalood ay ka tageen wadanka oo maraykanka magaalada New-york, xagaasi oo ay xoogaa daganaayeen ka hor intii aanay u guurin wadanka CANADA , magaalada Rexdale oo jaar la ah Toronto , halkaasi oo ay ku noolaayeen mujtamac faro-badan oo soomaali ahi, walina halkaas ayay dagan yihiin qoyskiisu.

K’naan waxa uu bilaabay inuu barto luuqada ingiriisida, isagoo qayb ahaan u baran jiray luqada isagoo dhagaysta heesaha maraykanka ee hip-hopka , waxaase arin cajiiba ah in knaan isagoon wali luuqada si wanaagsan u baran uu hadana is baray hip-hopka iyo waliba Rapka, isaga oo erayada heesta uun copy-garaynaya iyo styleka uu dhawaaqa heestu u dhacayso .

la soco qormada danbe

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply