Taariikh Faneedkii Kinsi Xaaji Aadan

Taariikhdii iyo waayihii faneed ee fanaanada Kinsi Xaaji Aadan Alle ha unaxariistee Fanaanadu waxay kamid ahay Fanaaniintii Masraxa fanka ee Sanadihii Toddobaatameeyadii sida weyn u caan baxay, Waxaana muddadii ay fanka ku soo dhex jirtay ay ka qayb qaadatay Ruwaayado badan iyadoo kaalmo kala duwan kaga jirtay dhinaca jilayaasha iyo heesaaga.Warbixintan kooban waxaanu idiinku soo bandhigi doonaa fankii fanaanada iyo qaar kamid ah Heesaheeda iyo taariikhdeeda.
Fanaanada wayn ee Kinsi Xaaji Aadan waxay ku dhalatay deegaanada Somaliland . waxay ka bilowaday iskuulakeedii Hoose Magalada Hargaysa.
Kinsi Xaaji Aadan Allaha u Naxariistee waxay bilowday fanka Todobaataneeyadii, wexeyna Fanka ku Bilowday Yaraanteedii, iyadoo Mudo Yar Gudaheed uga Mid noqotay Fanaaniinta LooguJecelyahay.
Allaha u naxaristee Kinsi heesteedii ugu hareeysay waxay ahayd heestii la oran jira WAJIYAAL IS XASUUTA oo ku jirtay riwayadii la oran jiray WAJIYAAL IS XASUUTA IYO JACAYL KALA WAALAN, Wexeyna aheyd Riwayadii ay ku soo caan baxdey. Riwaayadaas wixii ka danbeeyey Kinsi waxay si joogto ah u sii daba gashay fanka waxayna ka qayb qadatay riwayado badan.
Kinsi ayaa Horey u sheegtay in Fankeedu ay Kaalin ka qaateen Dhamaan Abwaanada iyofanaaniinta Laakiin wexey Gaar ah u Tilmaami Jirtay Abwaan Axmed Suleymaan Bidde iyo Maxamed Maxamuud Qaaqaay.
Waxaa ka mid ahaa riwaydaha ay xiligaas ka qeybgashay riwaayadii can ka ahayd ee MASIIBADA ADUUNKA YAA U MACALIN AH, Heestii ugu macaanayd riwayadaa amaba ay ku socotay ayaa waxaa wada qaaday Kinsi Xaaji Aadan iyo Faduma Cali Cilmi (Haladhaa) oo isugu jiibinayey.
Hadaba Allaha u Naxariistee Kinsi Xaaji Aadan Ow Xuseen wexey kamid aheyd fanaaniinta Masrax iyo Maqalba ay si aad ah u jeclaayeen Bulshada Soomaaliyeed wexeyna Qaadi jirtay Heeso u Badan Jaceyl oo dadka Mucaashaqiinta ah ay intooda badan Jeclaayeen in ay Nafta ku sasabaan.

Leave a Reply

FB.getLoginStatus(function(response) { statusChangeCallback(response); }); { status: 'connected', authResponse: { accessToken: '...', expiresIn:'...', signedRequest:'...', userID:'...' } }
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com