Salman Khan magaciisa oo dhameystiran waa Abdul Rashid Salim Salman Khan, waxa uu dhashay 27 bishii December sanadkii 1965-kii, waana 49-sano jir, waxaana uu sidoo kale yahay Jilaa iyo soo-saare.

Filimkiisii ugu horreeyey ee uu keeno waxa uu ahaa Biwi Ho To Aisi, halka filimkiisii labaad uu ahaa Maine Pyar Kiya oo uu keenay sanadkii 1989-kii, waxaana uu jilayey doorka Aktarnimo ama Atoore, kaasoo uu ku muteystay abaal-marin.

Khan sidoo kale waxa uu keenay dhowr filim  oo guuleystay oo ay ka mid yihiin filimada Saajan oo soo baxay (1991), Hum Aapke Hain Koun..! (1994), Karan Arjun (1995), Judwaa (1997), Pyar Kiya To Darna Kya (1998), Biwi No.1 (1999), iyo Hum Saath-Saath Hain (1999).

Sanadkii 1999-kii, Khan waxaa uu abaal-marin ku muteystay filimkii Kuch Kuch Hota Hai oo uu ku muteystay doorkiisa caawiyaha Aktarka kaas oo soo baxay sanadkii 1998-kii ee ay wada jileen isaga iyo Shah Rukh Khan , Kajol iyo Rani.

2011, waxa uu ku guuleystay abaal-marinta aktarkii ugu fiicnaa, isagoo abaal-marintaas ku helay filimka Dabangg, sidoo kalena Salman waxa ay dadku u doorteen aktarkii ugu wanaagsaa labada filim ee Ek Tha Tiger iyo Dabangg 2.

Siddeed ka mid ah filimada uu jilay aktarkan ayaa waxa ay soo xareeyeen ama laga helay adduun dhan 16 milyan oo dollar.

80 filim ayuu keenay Salman Khan walina waa ku jiraa Bollywoodka India.

Aas Aaska Nolashiisii hore.

waa seddexda wada dhashay ee Arbaaz, Salman iyo Sohail

waa seddexda wada dhashay ee Arbaaz, Salman iyo Sohail

Khan waa wiilka ugu wayn carruurta ay iska dhaleen Aktarka iyo qoraaga Salim Khan iyo haweeneyda Sushila Charak, waxaana aktarkan asalkiisa marka dib loo raaco ab ka ab uu galayaa dalka Muslimka ah ee Afghanistan, laakiin ilaa iyo hadda Salman Khan lama oga diinta uu hayso.

Salman Khan waxaa la dhashay labo wiil iyo labo gabdhood, labada wiil  waa Aktaro waxaana la kala yiraahdaa Arbaaz Khan iyo Sohail Khan, iyadoo labada gabdhood ee la dhashay Salman la kala yiraahdo Alvira iyo Arpita.

Salman waxbarashadiisa sare waxa uu ku qaatay St. Stanislaus High School oo ku yaala Bandra ee Mumbai, halkaasoo sidoo kale ay ka baxeen wiilasha la dhashay Salmaan ee ka yar yar Arbaaz iyo Sohail.

Nolashiisa Qaaska ah

Waxaa uu guri boos wayn ku fadhiya ku leeyahay halka la yiraahdo Bandra oo ku taala galbeedka Mumbai, halkaasoo ay ku yaalaan qolal dhowr, goobo lagu dabaasho iyo qolalka jirdhiska oo uu yaalo gym iyo kuwa kale.

Khan wali ma guursan waana 49 jir laakiin xiriirkiisii ugu horreeyey waxa uu sameeyey sanadkii 1999-kii waxaana uu la sameeyey aktaradda Bollywood-ka ee Aishwarya Rai; waxaana xiriirkooda uu soo dhammaaday sanadkii 2001.

Salman Khan waxa uu xiriir kale la bilaabay Katrina Kaif, laakiin sanado kaddib Kaif waxay qiratay wareysi ay bixisay sanadkii 2011, inuu xiriir dhab ah kala dhexeeyey Salman Khan sanado badan, laakiin uu soo gabagaboobay sanadkii 2010, sidoo kale Salman waxa uu xiriiro kala duwan la sameeyey Sangeeta Bijlani iyo Somy Ali.

Jilaaga Salman haatan waxa uu xiriir la leeyahay gabar u dhalatay waddanka Romania, taasoo dhammaadka sanadkii hore kala qeyb gashay arooska walaashiisa Arpita.

Ugu dambeyn Salman Khan waxa uu sheegay inuu rajeynayo inuu ka baxo sanadkan 2015 doobnimada oo uu guursado walow uu dhawaan ku kaftamay inuu rabo caruur aan hooyo laheyn.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA