Maxmuud Cabdilaahi Ciise(Sangub) Waa abwaan Soomaliyeed oo aad iyo aad u caan u ah abwaanku waxa uu geedaan ahaan ka soo jeedaa ismaamul goboleedka Somalida ee Ethpoia Taariikh-Faneedka Abwaan Maxamuud C/laahi Ciise “Sangub” Maxamuud Cabdilaahi Ciise (Sangub), wuxuu ka mid yahay abwaanada ugu horeeya hal-abuurka Soomaalida, waana nin dad badani ku xusuustaan kaalinta uu ka qaatay Kobcinta Suugaanta Soomaaliyeed, hase yeeshee, waxaa dhici karta in dad badan oo maanta nooli aanay isu aqoon Sangub iyo Fankiisa.

Bal aanu isku dayno in aynu Wax ka sheegno, taariikh-faneedka Sangub: Maxamuud Cabdillaahi Ciise (Sangub), wuxuu ku dhashay baadiyaha magaalada dhagaxbuur dhulka Is-maamulka deegaanka Soomaalida Itoobiya, sannadkii 1944, halkaas oo uu ku barbaaray. Sangub markii da’diisu shan jir gaartay ayuu ku bilaabmay u hilowga fanku. Dhalinyaranimadiisii, wuxuu ku soo caan baxay ciyaaraha dhaqanka, gaar ahaan ciyaarta “Dhaantada” oo ah mid markuu gacanta u qaado aan cidina uga daba dabadii yeerin.

Kasokow dhinaca Ciyaaraha dhaqanka Sangub, wuxuu ahaa gabayaa ka hida qaba qoysas kala duwan wada gabya, aabihii, abtiyaashii iyo walaalihii intuba way gabyi jireen. Wakhtigiii hore ma jirin waxbarasho Jaamacadeed, iskuuladuna dalka way ku yaraayeen, sidaa darteed sangub wuxuu ku dadaalay inuu barto quraanka ilaa uu quraankii dhammeeyey, xilligaasna waxyaabaha dhalinyaradu aad isugu taxalujin jirtay, waxaa ka mid ahaa gabayada.

Sangub abtigii, wuxuu ahaa ninkii uu Timacadde ku hal qabsanayay ee uu lahaa; “Mudanihii Aflow iyo sidii Muxumed maw sheeg” Aflow, wuxuu ahaa, abtigii hooyadii la dhashay. “Masoolahayeey, Casoolahayeey, ciyaar-jinidaan aqaan” Inkasta oo Sangub sheegay in aanu ilaa hadda garanayn macnaha ererada Masoole iyo Casoole, haddana wuxuu kelmadahaa ka dhigtay, hal-qabsi naaxyid u noqotay heeshihiisa.

Sangub, markii uu barbaar noqday ayuu ayuu yimi magaalada Hargeysa, sannadkii 1961, wuxuuna tegay Idaacadda Raadyow Hargeysa, halkaas oo imtixaan lagaga qaaday, Sangub isaga oo ka hadlaya sidii wax u dhaceen, ayuu yidhi: “Naxariistii Jano ilaahay ha siiyee, Ninkii la odhan jiray Huryo, ayaa yidhi; ‘Inankan haddii aad loo reer magaaleeyo, wax buu samayn karaa, markaa waa in laqaataa’.” Xaajji Cabdi Ayuub oo madax ka ahaa Raadiyow Hargeysa, ayaa codsigii ka ogolaaday, sidaana wuxuu kaga hawl-galay Raadiyaha oo uu ka qaban jiray, shaqo aan rasmi ahayn. “Sidaa darteed, Huryo ayaa sabab u ahaa in aan dhulkii ka imaado oo aan Fanka Soomaalida ku soo biiro,” ayuu yiri Sangub oo ka hadlayay cidii gacanta ku siisay inuu ku dhiirado, kana qayb-qaato Fanka. Ka dib markii uu ka helay shaqo-aan-rasmi ahayn magaalada hargaysa ayuu waxa uu u wareegay magaalada Muqdisho sannadkii 1961, halkaas oo uu imtixaan u u galay, isaga iyo 21 qof oo kale halkaasna uu isagu dhinaca gabayga uu ku guulaystay iyo shiikh akhriyey jiray Quraanka Kariimka, sidaas ayuuna kaga shaqo galay Idaacada Muqdisho; Waxaana imtixaanka ka qaaday Fuqi Buraale iyo Cismaan Kaahin iyo Cali Afyare.

Sangub markii uu yimid magaalada Muqdihso waxaa yaab iyo dhabanahays ku noqotay sida gabdhaha magaalada ku nool ay u dhaqmaayaan, iyo sida ay ahaayeen gabdhihii uu baadiyaha ku yaqaanay; gabaygii ugu horeeyey uu ku galo imtixaankana waxa uu kaga hadlay sida dhaqanka magaalada iyo kan baadiyahu u kala duwan yahay,

wuxuuna yidhi;  Habluhu waagii hore waa tii,
ay hadal yaraayeene Waayagii harraadkiyo dhibtiyo,
hawsha kululaaye Wa kii lagu hawoon jirey intii,
hadhac la ootaaye

Abwaanku, wuxuu noqday mid halis ku ah samaynta Riwaayadaha xiisaha leh, inta badana riwaayadihiisu waxay bulshada dhexdeeda ka abuuraan doodo soo kala horjeedda. Guud ahaan, riwaayadihiisu, waxay u qaybsan yihiin Wadani, Jacayl iyo kuwo falsafad ku dhisan. Riwaayadii ugu horaysay ee uu sameeyay, waxaa la odhan jiray “Naga Guur” waxayna ahayd, mid Wadani ah oo uu ugu talo-galay gumaysigii Ingiriiska oo wakhtigaa Afrika inteeda badan Xukumi jiray. Sannadkii 1964-kii, ayuu sameeyay riwaayad la odhan jiray; “Lamood noqonse wayday.” Abwaan Sangub, halkaa kama harin abuurista riwaayadaha, wuxuuna xoojiyay mu’alifnimadiisii, sannadkii 1966, wuxuu sameeyay riwaayada caanka ah ee “Yaxaas dhega-duub.”

Abwaan Sangub, mar la waydiiyay cidii ku dhiiri-gelisay samaynta riwaayadaha, wuxuu yidhi; “Mu’alifiinta, qaarbaa bakhaylo ah oo aan sheegin cidii soo gacan qabatay, aniguse sidaa ma ihi oo waan sheegayaa, waayo, cidina kuma soo dhalan,” ayuu yidhi. “Riwaayadaha, waxaa igu dhiiri-geliyay Cismaan Aadan (Cismaan Askari) oo isagu aan iga harin ilaa aan ka sameeyay riwaayadihii; “lamood noqonse wayday iyo Naga Guur.” Sangub oo ka sii hadlayay waxtarka ballaaran ee uu u geystay Alle ha’u naxariistee Cismaan Askari, ayaa cadeeyay in abwaanku inta uu sameeyo beytka u horeeya heesta, kadibna uu Sangub ku odhan jiray midhaha leekaysii, wuxuu kaloo sheegay in uu ka caawin jiray toostoosinta, sida loo helo qisooyinka riwaayaduhu ku socdaan, “Maadaama aan ahaa arday la laylyayo, Cismaan waxyaalo badan oo uu isagu sameeyay ayuu ka dhigi jiray, sidii waxaan anigu sameeyay oo kale,” ayuu raaciyay abwaan Sangub.

Maxamuud, wuxuu sheegay in hadda ay sahlan tahay sida qofku abwaan ama fannaan ku noqdaa, iyadoo buu yidhi dadku hadda waxay doonaan iskaga magacaaba qofka, halkii ay waayadii hore arrintaasi ka ahaan jirtay Derejo, si adag lagu heli jiray. Isaga oo taa ka hadlayana, wuxuu yidhi; “Wakhtigaa, waxaa magacaa lasiin jiray qofkii u qalma oo keliya, anigana abwaanimadayda, riwaayadaha iyo heesaha aan sameeyo iyo in aan u gudbo heerka loo yaqaan abwaan, waxaa sabab u ahaa Cismaan Askari.” Sannadkii 1961-ki, ayaa Sangub loo bedelay magaalada Muqdisho, halkaas oo uu si rasmi ah uga noqday Fannaaniintii Raadiyow Muqdisho. Abwaan Sangub, wuxuu ka sheekeeyey waxyaabihii uu kala kulmay magaalada Muqdisho oo uu markii ugu horaysay tegay, waxyar kadib Is-raacii labada dal ee Soomaaliya iyo Somaliland oo loo bixiyay Jamhuuriyadda D.

Soomaaliya, isaga oo ka hadlayana wuxuu yidhi; “Aniga, Maxamed Cabdilaahi Gujis iyo Farxiya Cali oo aan shaqaale rasmi ah ka ahayn Raadiyow Hargeysa, ayaa si rasmi ah naloogu wareejiyay Raadiyow Muqdisho.” Sangub, arrimihii ugu adkaa ee uu Muqdisho kala kulmay, waxaa ka mid ahayd is-faham la’aan xaga luqadda ah oo dhex yaalay labada bulsho ee Waqooyi iyo Koonfurta. “Waxaa jirtay in aan dadku is af aqoon, laakiin waagii dambe waa la is afbartay. Anagu, waxaanu wadanay af-soomaali taag-taagan oo af-waqooyi ayaanu ku hadlaynay, markaanu tagnay dadkii reer Xamarka ahaa waanu is-fahmi waynay oo waxaa naga soo hadhay[Yaa, sidii wax dhega la’].” Sidaa waxa yidhi, Sangub oo ka hadlayay sheekooyinkii ugu yaabka badnaa ee ay kala kulmeen, markii ay Xamar tageen.

 

Maxamuud Cabdillaahi Ciise, wuxuu caan ku ahaa Naanaysta (Sangub) oo dadka intiisa badani ay u taqaano, haddaba su’aasha la is-weydiin karaa waxay tahay, Maxay ugu baxday Naanaystani? Waagii uu yaraa, waxa la odhan jiray (Singub), maxaa yeelay, carruurnimadiisii ayuu dab ku dhacay, kadibna wuxuu ka gubtay sinta, maalin maalmaha ka mid ah ayuu ku fekeray inuu caruurta oo dhan isu ekeysiiyo oo midkasta uu ku dhigo Calaamada Sinta kaga taal. “Dhulku barwaaqo ayuu ahaa, xoolahana waa la bariisin jiray, dadkuna xoolo badan ayuu lahaa, dharabta ayaa xoolahaas laga.

bariisin jiray, anaguna qori-tuur (dacar-tuur) ayaanu ciyaari jiray” sidaa waxa yidhi Maxamuud Cabdillaahi Ciise oo wax ka tilmaamaya xaaladii nololeed ee wakhtigii reer guuraanimada ee uu ku soo barbaaray yaraantiisii. Abwaanku, isaga oo si gaar ah uga hadlaya sida Naanaystu ugu baxday, ayuu yidhi; “Aroortii ayaanu dhaxanta dab ka shidan jirnay, markaas ayaan Ciyaalkii ku idhi; qofkasta oo idinka mid ah, waxaan ku dhigayaa sumadda igu taallaa oo aan u ekeysiinayo Sumadda geelooda ku taal.” Sangub, wuxuu sheegay in Ciyaalku ay ka baqayeen, sidaa darteed waxaa u suurto-gashay inuu midkasta oo carruurtaa ka mid ah uu dab ku dhejiyay. “Ciyaalkii oo wada ooyaya, ayaa guryahoodii ku noqday. Islaan, ayaa aragtay caruurta wada ooyaysa, markii ay weydiisay waxa ku dhacay, waxay u sheegeen in aan anigu gubay, markaas ayay Islaantii tidhi; waa maxay Singub-kani.” Inkasta oo abwaanka magaca loo bixiyay uu ahaa Singub, haddana ugu dambayntii waxa naanaystaasi isu rogtay Sangub, waxaana sida uu sheegay ka bedelay Nin la odhan jiray Fiqi Buraale oo Raadiyow Muqdisho ka shaqayn jiray. Bedelaada Naanaysta Sangub, waxaa u sabab ahaa, iyada oo markii uu Xamar tegay ay dadkii kari waayeen Singub, Sidaana loogu bedelay Sangub.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA