Taariikh Nololeedkii Fanaanka Carbeed ee Abubakar Saalim

Abubakar Saalim Binu Sayn Binu Xasan Bilfaqiih waxaa uu dhashay 17-March-1939 wuxuuna ku dhashay Magaalada Taarikhiga ah eeTuraym taasoo ah Muxaafadada Xadramoot,ee Koonfurta Yemen, halkaas buuna ku koray wuxuu dhintay aabihii isagoo sanad jira ,hooyadii dib uma guursan waxayna istustay oo ay ka door biday Guur inanka keliya ee ay dhashay inay noloshiisa dhisto sidaas ayeey waxay kula noolayd abubakar saalim oo madi ah gurigii awoowihii,

wuxuu galay schoolkii la odhan jiray Al-ikhwa,oo ku yaala isla Magaaladaa Turaym wuxuu ku dhamaystay Waxbarashadiisi Magaaladaa wuxuuna u wareegay magaalada cadan ,markaas ayuu u qalab iyo sahayba u qaatay Badwayntii Fanka,wuxuuna ku bilaabay inuu ka heeso xafladaha iyo goobaha laysugu yimaado Munaasabadaha diiniga ah , wuxuu ka eedaami jiray misaajidada waxaana loo dhiibi jiray salaadaha ciida Takbiirta inuu qaado isagu , waa xiliyidii la ogaaday inuu leeyahay cod hibo ah oo ilaahay siiyey fanaanka, wuxuu si toos ah u degay Magaaladda Cadan xiliyadii 50-meeyadii waxayna halkaa isku barteen Ruug Cadaayo ku xeel dheer Suugaanta oo Reer Cadmeed ahaa xiligaa waxaana ka mid ah Ragaas soo Gacan Qabtay.Ludfi Jacfar,Axmed Binu Axmed Qaasim, Maxamed Sacad Cabdalah, Maxamed Murshid Naaji,,iyo Gabyaagii iyo Suxufigii Fadal al Naqiib,iyo rag kaloo badan, islamarkiiba markay ragaasi u dhiibeen heeso wuxuu si deg deg ah uga soo mudh baxay magaalada cadan waxayna u sahashay soo bixidaas uu ka soo dhex baxay Barbaartii Ay isku jiilka ahaayee ee reer Cadmeed waxay suuro gelisay in lagu duubo heesihiisi Tv-yada iyo idaacadaha berigaas,,heesihiisi ugu horeyey waxaa ka mid ahayd heesta l ayidhaahdo (Yaa wardi ma xala Jamaalak) Midhaha iyo Laxankaba isagaa lahaa waxaana duubtay Idaacadii Cadan 1956, Abubakar Saalim Bilfaqiih. waa heesaa Laxamiiste Gabyaa ku xeel dheer cilmiga suugaanta kana soo jeeda magaalada la yidhaahdo xadra moot.Magaalada Xadra moot waxay dhacdaa Koonfurta jamhuuriyadda Yemen. wuxuu haystaa dhalashada Sucuudiga dhalashadaas oo uu haystay ilaa 70-naadkii, ee qarnigii la soo dhaafay.wuxuu daganaa isagaoo intaa isaga kala dab qaadayey,wadamada Cadan oo Yemen, Jiddah oo Sucuudiga,Bayruut oo ah dalka Lubnaan, iyo Qaahira oo ah Dalka Masar, aakhirkiina wuxuu dagay Magaalada Riyaad oo ah Caasimadda Boqortooyada dalka Sucuudiga,waxaa lagu qiimeeyaa fanaanka abubakar saalim bilfaqiih, shaqsiyad ku xeel dheer fahanka fanka taasoo dhaxal siisay hibo fan oo aan la soo koobi karin xiliyadii uu ku jiray bilowgiisa fanka ee dheerayd, sidoo kale waxaa aad loo jecel yahay oo loola dhacaa codkiisa reenka iyo guuxa leh,oo marka ay dhegtaadu maqasho aad is taagayso,heesa uu qaado fanaanka ayaa ah kuwo uu ku doorto kelmadaha iyo midhaha gabayada iyo maansooyinka taabashada leh,wuxuuna ka heesay ,Go’aan Qaadashada, Fal Celinta Kalgacalka,Farxadda Murugada, iyo qaabab kale oo badan , waxaana aad loogu xasuustaa xulashada iyo midabaynta murtida xeesha dheer ee fanaankaasi sameeyo,wuxuuna aad ugu xeel dheeraa loogana daba fadhiisan jiray xiliyadii bilowgiisa faneed, lahjadaha u gaarka ah Xadaramiyiinta iyo Cadaniyiinta,waxaa kale oo u dheer laxhajada Sancaaniga la yidhaahdo ee waqooyiga Yemen. taaso ahayd tii uu yaraantisa isku dayi jiray inuu ku heeso,wuxuuna ku heesahy in ka badan 10 heesood oo kala ah,1- Qaala almacna Lamah.2-Miskiin Yaa Naas,3-Yaa Layl Hal Ashkuu,4- Wa’amqarad iyo qaar kale oo badan,waxaa kale oo u raaci jiray lahjadahaa heesaha uu ku qaaday Luqada Fusaxada ah ee Carabiga,Abubakara Saalim wuxuu ka gaadhay ama uu ka soo hooyay Fankiisa heer uu caan ka noqodo Gaar ahaan Jasiiradda Carabta iyo Wadamada Carabta Guud ahaan,waxaa Fanaanku heeso badan ka qaaday xafladaha lagu qabto wadamada carabta,waxaana heesihiisa qaaday fanaaniin badan oo ka mid fanaaniinta aad loo jecel yahay ee dhalinyarada ah .waxaana ka mid ahaa fanaaniintaa heesahaa qaadaa, Waliid Tafwiiq, Raaqib Calaama, iyo weliba fanaaniinta khaliijka carabta sida Dalaal Madaax ilahay ha u naxariistee,iyo Cabadale Ruwayshid,waxaa intaa u dheeraa inuu heeso badan u saaray laxanka fanaaniinta waawayn ee carabta,sida Warda Al-Jasaairi,waxaana fanaanka aad loogu sii jecel yahay waa fanan ku dhegan Wadaniyadda, Dhaqanka Diinta iyo dhawrsanaanta Qofnimo,waxaana taa u sahashay ku barbaarida iyo ku dhex noolashaha wadankiisa,Awoowihii wuxuu ahaa Raga Hormuudka ka ah Gabayada Magaalada Turaym iyo Masqad,Wuxuu Guursaday xiligii uu joogay Magaaladda Cadan waxa uuna ka guursaday reer caan ah oo la yidhaahdo reer Al Carfaan. waxay ahaayeen caailad reer xadramoot ah laakiin daganaa xiligaa magaalada Cadan, waxayna u dhashay wiilkiisa curad ee Adiib iyo laba hablood oo kala ah Anqaam iyo Alxaan, wuxuu mar labaad guursaday abubakar xiligii uu daganaa sucuudiga gabadh ka soo jeeda Caailadda -alcadaas iyana reer xadramoot ah laakiin dhalasho sucuudi ah leh ,waxayna u dhashay Asiiyl,Axmed,Aliif, Asiil oo isagu fanka ka raacay aabihii iminkana ku heesa heesaha lahjada khaliijiga ah wuxuu dagan yahay iminka abubakar magaalada riyaad wuxuuse waqtigiisa badanaa ku qaataa magaalada qaahira oo uu aqal ku leeyahay xaafada Samaalik taasna waxaa ku kaliftay Fankiisa oo ka dhisan dhinaca masar,abubakar waa nin aad u debacsan waa nin qalbi jilicsan oo aad u naxariis badan akhlaaq dhaqan iyo diina ilahay ku galaday., Wuxuuna leeyahay heeso badan oo aan la soo koobin Karin oo uu qaaday in kabadan 50 sano oo soo heesayey, Sidoo Kale waxaa fankiisa aad u yaqaanaa soomali badan oo Reer Cadmeed ahayd oo ay ka mid ahaayeen ilahay ha nuxariistee C/laahi Qarshe Maxamed Ismaaciil Xudaydi iyo Rag badan oo fanka xiisayn jiray xiliyadii ay Cadani Cadanta Ahayd iyo Berisamaad Inta aynu isugu iman doono Todobaadka danbe iyo Fanaanka Xiga Halkaa haynoo joogo Taariikh nololeedkii koobnayd ee Fanaanka way nee Abubakar Saalim Waxaa inoo soo koobay Ugaas Maxamed Majabbir anagoo isku duuban Bahda Hawraar waxaanu idini Leenahay Fi amaani Laah

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply