Taariikhda Gabayaagii Waynaa Aabihii Jacaylka Nasaar Alqabaani Qormadii (Nazar Kabbani)1aad


Toddobaadkan waxaan ku soo qaadanaynaa Barnaamijkeeni ahaa Falanqaynta Fanka iyo Fanaaniinta Dunida,Gabyaa ka mid Gabyaayahanada Carabta ee Qarnigii la soo dhaafay ugu badnaa heesaha,waa gabyaa uu ku dhacay jacayl dhab ah oo uu u qaaday Marwadiisa intii ay noolayd iyo markii ay dhimatayba.isagoo markiisi horena ahaa gabyaa Jacayl iyo Siyaasadeed kuwii ugu qaalinsaa ee ina soo mara 100 sano ee u danbeeyey ,waa gabyaa aad loo jecelyahay gabaydiisa,waa gabyaa dhabta ka gabya,waa gabyaa ay ku taabanayaan gabayadiisa jacaylka,iyo kuwiisa Siyaasadda. waxa uu ahaa Diblomasi,iyo Gabyaa Casri ah,waxba yaanan ararta ku raaginee aan idiin bilaabo taariikh nololeedkii Abwaanimo ee Nasaar Qabaani.


Nasaar Binu Tawfiiq Al-Qabaani: waxaa uu dhashay 21-06-1923 waxa uu ka dhashay Caailad Suuriyiinta dhaladka ah,awoowihii oo la odhan jiray,Abukhaliil Al-Qabaani waxaa lagu naanaysi jiray,Sareeyaha Masrixiyada Carabta,waxaa sababtay magacaa loogu yeedho,wuxuu ahaa Asaasihii iyo Bud-dhigihii Masraxa Masrixiyada Carabta,sidoo kale Aabihii siday sheegeen bugaagta taariikhada laga qoray Suuriya, inuu ka mid ahaa ragii halganka suuriya qaybta kasoo qaatay,wuxuu lahaa aabihii meherad yar oo badeecadaha lagu iibiyo,Nasaarna waa la shaqayn jiray aabihii xiligaa,wuxuuna u ahaa gacanyaraha keliya ee aabihii aminsanaa, Nasaar waxaa la dhshay lix caruur ah oo kala ah : Nasaar, Rashiid, Hadba,Muctas,Sabaax,Wasaal, Sabaax baa ka Nool Caruurtaa ay wada dhasheen macaa isaga marka lagu daro,Sabaax wuxuu ka shaqeeyaa Idaacad ku taala suuriya oo uu Madax ka yahay,Nasaar wuxuu guursaday laba jeer,xaaskii kowaad,waxaa la odhan jiray: Sahra waxayna ahayd suuriyad: waxayna u dhashay laba caruur ah,: Rashiid,Hadbaa,Tawfiiq,:Tawfiiq wuxuu dhintay isagoo 17 jir xanuun wadnaha kaga soo boday dartii,isagoo Caafimaadka ka baranaya jaamacadd Caafimaad oo kutaal Qaahira,Nasaar markuu Maqlay Geeridaa wiilkiisa ee naxdinta lahayd wuxuu u hibeeyay Qasiidada la yidhaahdo:
( الأمير الخرافي توفيق) halkan ka dhegayso Gabaygii”(

“)
wuxuuna ku dardaarmay Nasaar Maalinta uu dhinto in lagu aaso dhiniciisa,inantiisa labaad ee Hadba oo ahayd gabadh ka mid ah caruurtii ay Sahra u dhashay ee labada ahaa ,waxay ku nooshahay Wadan ka mid ah wadamada Khaliijka waxaana Guursaday Dhakhtar,Markii labaad wuxuu Guursaday Balqiisa oo ah Gabadh Ciraaqiyad ah waana gabadha Raadka wayn ku leh noloshiisa wuxuu ka tiriyay Gabayo badan jacaylkeedi iyo Geerideedi Naxdinta lahayd,: waxaynu ku soo qaadanaynaa qaybta danbe ee Barnaamijkeena, Nasaar wuxuu bartay Xuquuqda oo ka Qalin-Jabiyay Jaamacadda Suuriya,markuu dhamaystay Jamaacadda Sanadku markuu ahaa 1945 waxa uu uleexaday,dhankaa iyo Dibloomisayadda,isagoo isaga kala gooshaya ama isaga kala gudbaya Caalamka,dhankaa iyo dhankaa,ilaa iyo maalintuu ii iska dhiibay istiqlaalada Diblumaasinimo,ee 1966, markay dib ugu noqo Taariikh Suugaaneedkiisi,wuxuu soo saaray Diiwaankiisi Gabay ee ugu horeeyey 1944,Cinwaankeeduna wuxuu ahaa.
(waxay i tidhi Gabadhii Maarinka ahayd: “قالت لي السمراء” ) halkan ka daawo:

.
halkaas ayuu ka bilaabay wax-soosaarkii Sugaaneed o gaadhaysay ilaa Nus-Qarni,wuxuuna soo saaray in ka badan,35 Diiwaan,oo ay ugu waynayd ( Dufuulatu Nahda: “طفولة نهد” ) iyo al-Rasam Bil-kalimaat: “الرسم بالكلمات”) wuxuu ka Asaasay Dalka Lubnaan Maktabadii Faafinta Daabacaada ee Magaalda Bairut) waxaa jiray xidhiidh jacayl oo ka dhaxeeyey labada wadan ee uu Midna asal ahaan ka soo jeedo midna uu Degan yahay ,ee Dimishiq oo suuriya ah iyo Bairuut oo Lubnaan ah ,waxaadna ka garan kartaa,Gabayada uu u tiriyay Magaalooyinkaa,Qasiidatu Dimishiq. “القصيدة الدمشقية” iyo yaa sita dunyaa yaa bairut.يا ست الدنيا يا بيروت”. “) taasoo ka hadlaysay dagaalkii 1967 oo ay carabtu u taqaanay.( “النكسة” ) aad ayuu u ahaa Nasaar nin Meelo badan buuxiyaa,waxaana Naanays ahaan xiliga aloo bixiyay Gabyaaga Jacaylka iyo Dumarka,markii dagaakaas la galay waxa uu tiriyay gabay aan aad looga helin saaxadii dagaalka iyo siyaasadda oo la odhan jiray,halkan ka daawo gabaygii (Hawaamish calaa daftar Al-nuksa: “هوامش على دفتر النكسة” ) halkan ka daawo

)
waa gabay hogo tusaalayn halkii ugu saraysay ah, waa gabay ka hadlayaa sida habaqda ah ee loogu dhacay shoolada dagaal.waa gabay ka hadlaya,sida aanay carabu ugu diyaar garoobin inay yuhuud iska celiso,waxay moodayeen in ay af-miishaarnimo iyo Faan’kii Carabta Xiligaa joogtay inay ku guulaysanayaan,waa gabay carabta u sheegaya sida wax laysaga celiyaa inaanay ahayn sidaa,laakiin ay tahay in loo diyaar garoobo,Ragana aan lagu layn meesha,agoona aan laga dhigi caruurta, Dumarakana aan la rag tirin ,ee loo diyaar garoobo,dadaal xoogiisna la’saaro sidii marka hore wax loo noqon lahaa,marka aad wax iska dhigtana aad guusha heli doontaan,wuxuu gaadhay gabaygaasi heer xitaa laga mamnuuco saxaafada carabta ee xiligaa jirtay, waxa uu yidhi Gabyaa Falastiini ah,Nasaar Al-Qabaani waxaan ku bartay Bairut xili aanu wada joognay,waa gabyaaga ugu dagan uguna Naxariista badan sidaan qabo anigu,Naasir Al-Qabaani waxaa soo maray Nolo Xanuun Badan Intuu nool aduunka,waxaana ka mid ahayd Dilkii loo gaystay Xaaskiisa Balqiisa oo uu aad u jeclaa .laguna qarxiyay Safaaradda Ciraaq ay ku lahayd Dalka Lubnaan,waxaa iyana u raacday Geeridii ku tumi wiilkiisa Tawfiiq
Taariikhda Sugaaneedka Nasaar Al-qabaani waa taariikh dheer,Suugaantiisuna waa sugaan badan oo taabanaysaa nolosha binu aadamka oodhan ,haday Tahay Siyaasad iyo Hadii ay tahay Jacaylba, waxaynu ku soo qaadan doonaa Barnaamiyadeena danbe,maadaama aanu rabno inaanay waqti badan kaga lumin akhristaha,sidaa darteed Sugaanyahankan wayna aanu uga bogan waayin suugaantiisa iyo taariikh nololeedkiisa:
intaynu isku arki doono Qaybta kale iyo Toddobaad soosocda waxaan idin kaga tegaynaa
Fii Amaani Laah
Waxaa idiin Soo Diyaariyay
Ugaas Maxamed Majabbir

Nizar Kabbani
www.youtube.com

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply