Shacabka reer Sudan ayaa waxa ay aad uga cabanayaan maciishada iyo qiimaha noolosha ee maalin ba maalinta ka dambaysa kor u sii kacaya.

Madaxwanye Cumar Xasan Axmed Al-bashiir

Banaabaxyadaasi ayaa waxa ay ku kalifeen Madaxwanaha Dalkaasi ee Cumar Al-bashir in uu xilka ka xayuubiyo taliyaha Sirdoonka dalkaasi kuna badali taliye cusub oo hore u soo noqday taliyaha sirdoonka balse uu cumar Al-bashiir xilka ka qaaday Sanadkii 2009kii.

Taliyaha Sirdoonka Sudan ee xilka laga xayuubiyay ayaa waxa magiciisa la yidhaahdaa Maxamed Cadaa,waxaana xilkaasi loo magacaabay Taliye Salaax Cabdala oo xilkaasi laga qaaday sanadkii 2009kii.

Dadka U dhashay Dalka Sudan ayaa waxa ay xukumada ka codsanayaan in ay qiimaha maciishada hoos u dhigto waana sababta dhalisay banaanbaxyadaasi.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net.Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA