Cunista muuska ayaa dhakhaatiirtu in badan kula taliyaan dadka bukaanka ah iyo cid kasta, hadaba waxaa jira faa’idooyin badan oo ay leedahay cunista Muusku kuwaas oo dhinacyo badan taabanaya.

Sidaas darteed qoraalkan ayaanu idiinku soo gudbinaynaa qaar ka mid ah Faa’idooyinka uu leeyahay Muusku, anagoo liiskan kusoo koobnay kaliya inta ugu muhiimsan waxtarka Muuska, waxaana kamid ah sidan;

  1. Cunista Muuska Oo aad Joogtaysaa waxay hoos u dhigtaa Khatarta aad Ku Qaadi karto cudurka Kansarka (Cancer)
  2. Cunista Muusku waxa ay Dawo wayn U tahay la tacaalida Warwarka , Isku buuqa ama Stresska
  3. Dumarka uurka leh ee isticmaala xiligan Cunista Muuska waxa la cadeeyey inta ugu badan inay Umulaan Wiil sida lagu cadeeyey daraasad lasoo saaray dhawaan.
  4. Cunista Kaliya laba xabo oo Muus ah waxa ay siiyaan qofka Energy ama tamar uu ku shaqayn karo mudo 90 Minute ah waa saacad iyo badh isagoon wax kale cunin
  5. Muuska waxaa ku jira maado dabiici ah oo la mid ah PROZAC taas oo la isticmaalo si loo helo Farxad badan.
  6. Sidoo kale Laasimida cunista muuska ayaa hoos u dhigta khatarta cudurka Faaliga iyo wadne xanuunka
  7. Muusku waxa uu ka kooban yahay 75% Boqolkiiba Shan iyo Todobaatan Biyo kuwaas oo waxtar wayn u leh jidhka, isagoo qayb wayn ka qaata habdhiska dheefshiidka
  8. Muuska waxaa laga helaa Vitamin C, Potassium, Bir iyo Vitamin B6 Kuwaas oo dhamaantood waxtar wayn u leh Jidhka
  9. Muusku malaha wax Dux ah iyo Sodium ahba waxaanu hoos u dhigaa kor u kaca wareega dhiiga iyo Baruurta
  10. Ugu danbayn waxaa la cadeeyey inuu kordhiyo ama firfircooni galiyo Dareenada Jinsiga

 

 

 

 

 

 

 

 

 

KA DHIIBO FIKIRKAAGA