Tartanka Ciyaaraha Fudud Ee Aduunka Oo Ay Ku Guulaysatay Gabadh Ethiopianad Ah.

Waxaa ku guuleystay abaalmarinta sanadkan 2015 ee Xiriirka Ciyaaraha Fudud ee Adduunka laba ciyaartoy ee kala ah Ashton Eaton oo Mareykanka ah iyo Genzebe Dibaba oo u dhalatay dalka Ethiopia.

Eaton oo todobo iyo labaatan jir ah ayaa waxaa uu helay 9,045 oo dhibcood oo uu rikoorkiisii ku jabiyay iyo waxaa uu ku sidoo kale uu ku guuleystay bilad dahab ah tartamadii caalamka ee lagu qabtay magaaladda Beijing.

Dibaba oo afar iyo labaatan jir ah ayaa iyana waxay rekoor cusub u sameysay orodka 1500m ee caalamka, waana markii seddexaad oo ay rekoorkaasi jabiso iyadoo ku oroday 50 daqiiqi iyo todobo sekan.

Dibaba ayaa waxay kale oo ay ku guuleystay biladdii dahabka ee 1500m iyo biladda macdenta ee 5000m ee ciyaarihii Adduunka ee la qabtay bishii August.

 

Cashadii loogu qaban jiray abaalmarinta sanadka walba magaaladda Monako ayaa la baajiyay sababo la xiriira musuqmaasuqa iyo daawooyinka awooda kordhiya ee saameeyay ciyaaraha fudud ee caalamka.

Lord Coe, oo ah madaxweynaha Xiriirka Caalamiga ah ee Ciyaaraha Fudud ayaa sheegay in marka laga gudbo in ciyaartoyda aysan sanadka sida caadada ahaan jirtay aysan isugu imaameyn Monako, hadda waxaa sax ah in loo dabaal dago guulaha ay ciyaartoydu gaareen sanadkan 2015ka.

Waxaana bogaadin u diyarayaa buu yiri Mr. Coe labada ciyaaroy ee kala ah Ashton iyo Genzebe oo tusaale lagu dayan karo u ah ciyaaraha wanaagsan.

9abeeca3-6b56-4454-8062-9f73e3f5f0bf

 

FB.getLoginStatus(function(response) { statusChangeCallback(response); }); { status: 'connected', authResponse: { accessToken: '...', expiresIn:'...', signedRequest:'...', userID:'...' } }
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com