Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!

TARTANKA DAYAXA EE AY SOO BANDHIGTAY SHIRKADA GOOGLE OO MUDDO 10 SANO AH LA WAAYAY SHIRKAD KU GUULAYSATA!

Shirkada Google ayaa waxa ay toban sano ka hor soo bandhigtay abaalmarin taasi oo ay ugu tala gashay in ay gudoonsiiso shirkada ugu horaysa ee soo saarta Dayax Gacmeed Iskii isku wada isla markaana caga dhigta Dayaxa.

Astaanta Tartanka “x Lunar”.

Tartanka ayaa waxa ay shirkada Google ugu magac dartay tartanka Daxa ee ‘X Lunar”, abaal marinta tartankaasi ayaa waxa ay ahayd lacag aad u badan taasi oo qiimaheeda lagu sheegay 30 Millyan oo Dollar.

Gudida qaban qaabada tartankaasi ayaa waxa ay sheegeen in ay tartankaasi soo gabagabeeyeen kadib markii ay waayeen shirkad gaadha marxaladii ugu dambaysay .

Tirada shirkadaha ka qayb galay tartankani ayaa waxa ay shirkada Google xaqiijisay in ay ahaayeen 5 shirkadood kuwaasi oo wareegyadii ugu horeeyay ee tartankaasi ka soo gudbay balse ay ku guul daraysteen in ay dayax gacmeedka iski isku wada ee ay soo saareen in uu caga dhigto Dayaxa .

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA

WhatsApp chat
%d bloggers like this: