Tartanka Foolxumada Aduunka Oo Madaxa La Galay Marxaladii U darnayd Abid. Yaase Ku Guulaystay?

Tartanka Mister Ugly oo sanadkii afaraad lagu qabanayo dalka Zimbabwe ayaa tartankan oo maalintii shalay ahayd dhacay ayaa waxaa ka dhashay muran afka ah kadib markii ninkii koobka fool xumada hore u haystay tan iyo sanadkii 2012 uu aqbali waayey guusha ninkan cusub ee ku guulaystay koobka fool xumada aduunka.

Milton Sere oo 42 sano jir ah oo sanadkan ku guuleystay fool xumada aduunka ayaa lagu haystaa in uusan aad u fool xumeyn balse fool xumadiisa ay soo baxayso oo kaliya marka uu qoslo sida uu ku andacoonayo ninka koobka laga qaaday oo lagu magacaabo William Masvinu.

“Run ahaantii ninkani ma fool xuma aniga fool xumadeyda waa mid rabaani ah oo aan la farsamayn balse ninkan la sheegay in uu guuleystay ilkaha bas ayuu ka fool xun yahay” sidaa waxaa yiri Mr. Masvinu oo weli koobka fool xumada aduunka ku dhagan.

Mr. Sere ayaa dhankiisa sheegay in ninka aan ayidsanayn guushiisa ay u roon tahay in uu u qiro in uu ka fool xunyahay.

Ruuxa tartanka Mister Ugly ku guuleystay ayaa waxaa la siiyaa 500 Dollarka Maraykanka ah iyo koob hadiyad ah.

fool-xumada-aduunka-0

fool-xumada-aduunka-1

fool-xumada-aduunka-2

fool-xumada-aduunka-3

FB.getLoginStatus(function(response) { statusChangeCallback(response); }); { status: 'connected', authResponse: { accessToken: '...', expiresIn:'...', signedRequest:'...', userID:'...' } }
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com