Taxane Ku Saabsan Aktarada Dunidu Cuntooyinka Ay Quruxdooda Ay Ku Ilaaliyaan

Cuntadu waxa ay ka mid tahay waxyaabaha mideeya noolaha, waana nolosha qaybta ugu muhiimsan oo qof walba inta uu dunida joogo, waxa u ku dedalaa sidii uu naftiisa, carruurtiisa iyo qoyskiisa u quudin lahaa, sida aynu wada og nahay dhamaanteena, qof kastaa wixii u tabcado inta ugu badan waxa uu ku bixiyaa quntada uu quudanayo.
fnan-(8)Laakiin cuntadu kaliya nolol iyo in qofku ku tamariyo uma aha xidigaha filimada ee Hollywood iyo hablaha heesa ee dunida reer galbeedka, sababtoo ah waxa iyaga u dheer sidii ay u ilaalin lahaayeen quruxdooda oo aan cayilaad iyo hilib u fuulin jidhkooda.
Waxa jira dad la taliyayaal ah oo u qaabilsan cuntooyinka ku haboon ee ay quudan karaan, kuwaas oo loo eegayo sida ay ku doodayaan kooxahaasi caafimaad ahaan iyo in aanay kala dhantaalin dhegteeda ama quruxdeeda.

In kasta oo ay malaayiin doolar haystaan oo ka heleen filimada iyo heesaha ay qaadaan, haddana waxa ay u eg tahay, in qaarkood gaajo lagu dilay, haddii cunto la siiyana aan wax ay ka dhergaan ama damcad ahaan jeclaystaan aanay noqon, laakiin waxa aynu taxanaheenan ku soo qaadan doonaa qaar ka mid ah cuntooyinka ay quutaan xidigahaasi.

Qaybteena caawa waxa aynu ku soo qaadan doonaa, aktarada filimada badan jishay, balse sida gaarka ah loogu xasuusto filimka, The Hunger Games, Jennifer Lawrence, gabadhan ayaa sheegtay in ay aad u jeceshahay hilibka iyo cuntooyinka duxda badan leh, laakiin looga dhaartay oo aanay awoodin inay cunto, taa badalkeedana ay qaadato, saanwiij lagu daray hilib.

Aktaradan ayaa sheegtay in had iyo jeer marka qofku noqdo caan ay dhibaato ka qabsato, qaabka muuqaalkiisa, kaas oo talooyinka badan ee soo gaadhayaa, uga digaan, in hilib fuulo jidhkiisa, waxaanay taasi ku keentaa ayay tidhi, in qofku ka fogaado waxyaabaha uu xiiseeyo oo kale, sida ay sheegtayna dumarka oo dhan dhanaanka ka hela looga digo inay u dhawadaan.

Waxa kale oo aynu soo qaadan doonaa aktarada kale ee Angelina Jolie oo ka mid ah halaha ugu caansan xidigaha Hollywood, gabadhan ayaa jacaylkeeda, Brad Pitt uu ku tilmaamay gabadh aan aqoon u lahayn cunto karinta, waxaanu sheegay inay had iyo jeer cunto galay iyo caano taas oo ay ku kaliftay qoon la’aanteeda aanay dheriga Karin karayn.

Gabadhan ayaa had iyo jeer sida odaygeedu sheegay cunta galay nooca buniga ah ee Maraykanka ka baxda warshaduhuna galka ka dhilaan, oo ay caano ku darsatay, taaas oo haddii aynu fasiraad ka sii bixino noqon karaysa faracad iyo caano kaliya, la soco qaybo kale oo xiiso badan oo la xidhiidha aktarada dunida iyo cuntooyinka ay xiiseeyaan.

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply