Telefoonka Gacanta, Facebook Iyo Daawashada Musal salada Oo Noqday Waxyaabaha Furiinka Qoyska Horseeda

Cilmi baadhis balaadhan oo dhawaan laga sameeyay dalka boqortooyada Sucuudi Arabia, isla markaana meelo badan oo dunida ah aad looga soo dhaweeyay ayaa ka warbixisay, halista adeegyo badan oo tignoolajiyada casriga ah ee dunidu ku leedahay nolosha aadamiga gaar ahaan lamaanaha qoyska.

Warbixintan oo ay wada jir u diyaariyeen ardayda jaamacadaha dalka Sucuudi Arabiya iyo guddida wanaag farista ee dalkaasi waxa ay ka warantay, dhibaatada ay qoyska ku hayaan, isticmaalka shabakada xidhiidhka bulshada ee Facebook iyo twitter-ku ka midka yihiin.

Waxa kale oo warbixintan lagu soo bandhigay hinaasaha iyo xurgufta ugu badan ee qoysasku inay wakhtiyadii ugu danbeeyay ka bilaabmaan, isku qab qabsiga, telefoonada gacanta ee mobile-ka, daawashada musal salada iyo akoonada gaarka ah ee shabakadaha xidhiidhka bulshada.

Cabdillaahi Maniic oo u hadlay kooxihii cilmi baadhista

n diyaariyay ayaa sheegay in Furiinka ugu badan ee dalkaasi ka dhashay, baadh baadhis haweenku ku sameeyaan telefoonka gacanta lagu qaato ee Mobile-ka ka dibna ay uga soo baxeen magacyo dumar aanay garanayn taas oo dhalisay hinaase ugu danbayntiina sababtay in reerku ku dumo.

Cilmi baadhistan ayaa sidoo kale cadaysay in haweenku had iyo jeer la socdaan, telefoonka ninkooda aqoon badana u leeyihiin, magacyada ku jira, gaar ahaan kuwa dumarka, taas oo sida ay sheegtay warbixintu in gabadhu dhamaan taqaano magacyada dumarka ee ugu jira moobilka ninkeeda, isla markaana deg deg u dareento kuwa cusub eek u soo kordhay.

Sheekhan ayaa haweenka kula taliyay, in basaasida ninkooda iska dhaafaan si aanay qoysku uga burburin, sidoo kale waxa uu raga kula taliyay in khiyaamada iyo beenta ay kula macaamilaan ooryahooda ka daayaan.

Warbixintan ayaa liis dheer ku taxday waxyaabaha furiinka dhaliya, oo marka la soo ururiyo ay kow ka yihiin, adeegsiga isgaadhsiinta casriga ah, sida Mobile-ka, facebook iyo twitter-ka, waxa kale oo ku jira, xisaabaha akoonada ama sanaaduuqda bangiyada iyo saamiyada lagu darsado oo mid kasta oo lamaanaha ka mid ahi qarsoodi u galo, waxa kale oo ka mid ah arrimo ragu ka cadhoodo uu warbixintu bayaamisay sida filimada musal salada ah, hagbada iyo waxyaabo kale oo dumarku iibsadaan iyaga oo aan ragooda kala tashan.

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply