Dalka Iran ayaa waxa muddooyinkii dambe ka taagnaa banaanbaxyo hor leh kuwaasi oo shacabka dalkaasi ay kaga soo hor jeedeen Hogaamiyaha Dalkaasi ee Ali Khaamini iyo sidoo kale xukuumada ka talisa Dalkaasi.

Maxaabis

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Dalkaasi oo magiciisa la yidhaahdi Ali Rida Rahiimi ayaa waxa uu sheegay in tirada dadka banaanbaxyadaasi loo xidhxidhay ay ka badantahay 5000 oo ruux,waxa kale oo uu sheegay in banaan baxyadaasi ay ka dhaceen 100 magaalo.

Rahiimi ayaa warbixintani siiyay wakaalada Wararka ee Elina xili uu booqasho ku tagay jeelasha ay dadkaasi ku xidha yihiin,waxa kale oo uu sheegay in dadkaasi xidhan 73% ay yihiin ragg halka 27% ay yihiin haween .

Rahiimi ayaa waxa kale oo uu sheegay in dadkaasi badankoodii la sii daayay inta xidhana ay ku socdaan baadhitaano isla markaana ay ku xidhanyihiin jeelasha ku yaala magaalooyinka Tahran iyo Asfahan iyo Hamadan iyo Faris iyo Ahwas,dadka la xidhay ayaa waxa ay badnaayeen dad dhalin yar ah oo ka cabanayay shaqa la’aan.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA