Tirada Dadka Ku Naf Waayay Dagaalka Ka Taagan Dalka Suuriya Tan Iyo Markii Uu Dagaalkaasi Bilaabmay 7 Sano Ka Hor !

Dalka Suuriya ayaa waxa ka taagan dagaalo ba’an oo ragaadiyay dalkaasi waxaana dagaaladaasi ku dhintay dad aad u tira badan.

Walaw ay dhibaatada ka taagan dalkaasi ay tahay mid aanl la soo koobi karayn haddana Ururka u difaaca xuquuqda aadamaha ee Dadka Suuriyaanka ah xaruntiisuna tahay Dalka Britain ayaa waxa ay shaaciyeen tirada dadka geeriyoodat tan iyo markii uu dagaalka dalkaasi Suuriya ka socda bilaabmay.

 

Tirada dadka ku naf waayay dagaalka ka taagan Dalka Suuriya ayaa waxa ay noqotay 511 kun oo qof taasi oo macnaheedu yahay in dagaalkaasi ay ku naf waayeen in ka badan Nus Nallyuun qof intii uu socday dagaalkaasi oo bilawgiisii ay haatan ka soo wareegtay muddo 7 sano ah .

 

 

Waxaana la sheegay in la diiwaan galiyay macluumaadka iyo magacyada 350 kun oo qof oo ka mid ah nus malyuunka qof ee dagaalkaasi ku naf waayay balse tirada kale aan laga haynin wax macluumaadka isla markaana ay ku geeriyoodeen xaalada adag oo la aqoonsan kari waayay muuqaaladii maydadkooda.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com