Magaalada Kemerovo ee Dalka Ruushka ayaa waxa ka dhacay arrin aad u naxdin badan taasi oo galaafatay noosha 53 qof sidoo kalana la laayahay 16 qof .

Arrintaa naxdinta leh ayaa waxa ay dhacday kadib markii goob ganacsi oo ku taala Magaalada Kemerovo ee ku taala Sibiaria uu dab qabsaday halkaasi oo ay ku qudh baxeen 53 qof sidoo kalana ilaa iyo haatan la laayahay 16 qof oo kale .

Wakaalada Wararka ee Tas ayaa waxa ay sheegtay in gudida xaqiiqa raadiska ee dalkaasi ay shaaciyeen in tirada dhimashadu ay noqotay 48 balse muddo yar kadi ay tiradaasi kor u kacday.

Ciidamada Dabdamiska ee Dalkaasi ayaa sheegay in dabkaasi uu ka bilaabmay dabaqa saddexaad ee dhiamahaasi ganacsi balse ilaa iyo haatan aan la xaqiijin sababta iyi sidoo kale waxa uu dabkaasi ka kacay.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA