Tom Cruise Oo Dhib Ka Mutay Dad Ku Soo Ururay Wakhti Uu Isku Diyaarinayay Matalaada Qaybta Ugu Danbaysa Ee Filimka Mission Impossible 5

Aktarka reer Hollywood ee Tom Cruise ayaa ka dhib mutay boqolaal dad ah oo mar kaliya ku soo xoomay badhtamaha magaalada Vienna ee caasimadda dalka Austria, halkaas oo uu ku samaynayay qab ka mid ah filimkiisa Mission Impossible 5.

'Glorious Goodwood - Ladies Day'Sababta isku keentay dadkan faraha badan ee ku soo ururay Tom Cruise ayaa ka dhalatay ka dib markii uu ka xumaaday gaadhigii uu watay, waxaana ku dhacay in dadkaas oo aad u xiiseeya ay danaynayeen inay sawir la galaan ama uu u saxeexo.

Tom Cruise oo uu weheliyo soo saaraha sameeyay sheekada filimka ee Christopher Macfhiry, ayaa gaadhay caasimadda dalka Austria iyagoo wata diyaarad khaas ah, waxaanay matalaada qaybta ugu danbaysa ee filimkooda ka bilaabeen, xarunta dhaqanka ee Opera House, halkaas oo ay ku tababartaan dadka ciyaaraha qalaama rogadka ah ee dalkaas.

Haddaba Tom Cruise iyo saaxiibadii oo sidii lagula taliyay looga baahnaa in aanay dadka is arag, ayay taladaasi u suura gali wayday ka dib, markii gaadhigoodu kaga xumaaday jidka badhtankiisa wakhti ay tagayeen hudheelka ay degan yihiin.

tom-cruise-swarmed-fans-vienna-mission-impossible-5

Sida wakaaladaha wararku qoreen waxa Tom Cruise iyo dadku isku soo baxsadeen markii ay khasab ku noqotay inuu gaadhiga ka dego si uu xaaladiisa u hubiyo, hasayeeshee wax aka mashquuliyay dadkii jidka marayay oo si ka dis ah ugu soo ururay, waxaana ka dib soo dhex galay booliska oo goobta ka qaaday.

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply