Warararka ugu Xiisaha Badan Wariye COWKE oo ka hadlay Gabadh Lagu Sheegay inuu Dhalay, oo Fanaanad Noqtay

cawke

Qaar kamid ah  warbaahinta soomaalida dhowaan  baahiyay Gabadh lagu  sheegay  inuu dhalay Wariyaha caanka ah ee Axmed Xasan Cowke   oo magaceeda lagu sheegay Nimco ay noqotey Wakhtigan fanaanad.

Wariye Axmed Xasan Cowke iyo Qaar  kamida Qaraabadiisa  oo Warbaahinta Kalshaale.com la xidhiidhay si ay wax uga weydiiso warkaasi ayaa sheegay in e aanay waxba ka jrin in gabadh uu dhaley,  ay ku sugan tahey Wadanka Sweden  wakhtigan, islamarkaana  noqotey fanaanad.

Wariyaha Axmed Xasan Cowke ayaa  sheegay in aaney jirin habayaraatee gabadh uu dhaley oo ku sugan dalkaasi Sweden, Gabadha uuu dhaley iyo caruurtiisa kalena ay k sugan yihiin London ,Waxaanu carabka ku dhuftey in caruurtiisu intooda badani ay ku fiican yihiin diinta.

Dhowaan ayaa qaarkamida warbaahinta Soomaalida ay baahiyeen inuu gabadh uu dhalay wariye Cowke ay ku biirtay Fanka, Waxaana sidoo kale Warkaasi soo Xigtay wariye ka tirsan Bahda kalshaale.com, Taasi oo aanu dib Kasoo Xaqiijinay inaysan waxba ka jirin.

Suxufigadari@gmail.com

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply