Madaxwaynaha Dalka Maraykanka Donald Trump ayaa waxa uu fariin adag u diray Dalka Mexico ee ay xuduuda wadaagan waxa aanu u sheegay in dalkiisu aanu bixin doonin kharashka ku bixi doona gidaarka laga dhisi doono xuduuda ay labadaasi dal wadaagaan.

Madaxwayne Trump ayaa sheegay in uu Madaxwaynaha Mexico ka codsaday in dalka Maraykanku uu bixiyo kharashka gidaarkaasi waxa aanu yidhi Trump ” Madaxwaynaha Mexico ayaa iga codsaday in aan bixino kharashka ku baxaya gidaarka laga dhisi doona xuduuda laakiin waan ka diiday”.

Trump ayaa sidoo kale sheegay in madaxwaynaha Mexico Enrique Pena uu yahay nin wanaagsan codsigiisana uu ugu soo gudbiyay si sharaf leh waxa aanu igu yidhi ” Mudane Madaxwayne Mexico ma bixinayso kharashka Gidaarkaa”,waxa aanan ugu jawaabay “Maad Waalantahay?,Anigu ma yeelayo arrintaasi”.

Madaxwayne Trump ayaa markii uu talada dalkaasi ku guulaystay go’aamiyay in dadka sida sharci darada uga yimaada dalalka ay dariska yihiin ee Laatiin Amerika uu joojin doono isla markaana uu xuduuda dalkiisu la leeyahay laga dhisi doono gidaar aanay soo dhaafi karin dadkaasi sida sharci darada ah Ku soo gali jiray Maraykanka.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA