Nin u dhashay Dalka Tunisia oo dan yar ah kuna iibiya Fuulka goob yar oo uu leeyahay ayaa waxa uu maalmihii u dambeeyay isku badalay xiddig ay dadka Dalkaa u dhashay ku qaadaa dhigeen baraha bulshada .

fariid Al-nuuri

 

Ninkani ayaa waxa laga duubay muuqaal isaga oo jaasaya waxa aanu arrintaasi ku kacay xili uu ku sugnaa goobta uu fuulka kuu iibiyo ,ninkani ayaa waxa uu ku noolyahay magaalada Nafsa ee dalkaasi ,waxaana magiciisa la yidhaahdaa Fariid Al-nuuri sababta uu u jaasay ayaa waxa ay tahay in uu ugu tala galay in uu arritaasi ku soo jiito macaamiisha kala duwan ee wadaadisi marayay .

Suxufiyad u dhalatay Dalkaasi oo aadula dhacday farxada uu ninkaasi miiska yare e fuulka ah haystaa ayaa waxa ay tidhi “aad ayaan u jecelahay dadka duruufta noolosha haddba sida ay tahay ula jaan qaadaa “.

Sidoo kale dadka u dhashay dalkaasi ee baraha bulshada ku daawaday sawirada iyo muuqaalka Fariid ayaa waxa ay sheegeen in farxadu aanay ahayn oo kaliya in uu qofku hanta aad u badan haysto balse ay muhiim tahay qanaacada qofku uu ku qanacsanyahay nooloshiiisa iyo hantida yar ee uu haysto .

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.net

KA DHIIBO FIKIRKAAGA