Turkiga Oo Filimka Winter Sleep Ee Bilada Dahabka Ah Ku Guulaystay Si Rasmi Ah Ugu Sharaxay Abaal Marinta Oscar-ka

Wasaarada Dhaqanka ee dalka Turkiga ayaa shaaca ka qaaday In filimka jilaaga reer Turkey Matalay, ee Winter Sleep, si rasmi ah loogu daray, liiska filimada u sharaxan abaal marinta filimada iyo jilayaasha Hollywood ee Oscar-ka loogu yeedho.

FRANCE-ENTERTAINMENT-CANNES-FILM-FESTIVAL

Filimkan oo uu soo saaray filim soo saaraha aadka loo jecel yahay ee Turkiga u dhashay Nuri Bilge Ceylan, waxa uu hore ugu guulaystay abaal marinta bilada dahabka ah ee loogu yeedho, (Palmed), waxaana si rasmi ah loogu soo bandhigay sanadkii hore mahrajaankii filimada caalamiga ah ee lagu qabtay magaalada Can ee dalka Faransiiska.

Wasiirka dhaqanka iyo dalxiiska dalka Turkey Omar Celik, oo bogiisa twitter-ka ku baahiyay qoraal kooban oo uu kaga hadlayo filimkan, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay, in khubarada filimada ee dalkiisu isla garteen in filimka Winter Sleep ay u sharaxaan kuna darsadaan, tartanka Oscar-ka caalamiga ah ee dunida, si uu ugu guulaysto, kaalinta filimkii ugu fiicnaa Ajnabiga ama meel ka baxsan dalka Maraykanka.

Wasiirka ayaa Nuri Ceylan u rejeeyay inuu ku guulaysto Oscar-ka sidii uu hore ugu guulaystay bilada dahabiga ah ee filimada dunida, waxaanu ka codsaday dadka reer Turkey inay taageeradooda la garab istaagaan.

Nuri+Bilge+Ceylan+Winter+Sleep+Premieres+Cannes+MnPuNAi0KS3lWasiirku waxa uu ugu danbayntii sheegay in Turkey aanay waligeed filim u sharaxin abaalmarinta filinkii ugu fiicnaa dunida ee Oscar-ka, imikana ay tahay markii ugu horaysay, hasa yeeshee ay rejo galisay, guulaha dhinaca dhaqanka iyo dalxiiska ee dalkaasi ku talaabsaday iyo guuusha caalamiga ah ee uu filimka Winter Sleep ka soo hooyay fagaarayaasha caalamka.

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply