Twitter Oo 140-kun Oo Dollar Abaal Marin U Siinaysa Qofkii Gal-daloolo Ka Soo Sheega Barnaamijkooda

Twitter ayaa bilowday olole balaadhan oo ku xaqiijinayso ammaanka barnaamijkeeda xidhiidhka bulshada ee shabakadeeda ay internet-ka, ku leedahay waxaanay shirkada maamusha shabakada labaad ee xidhiidhka bulshada ugu balaadhan dhinaca internet-ku badka soo dhigtay abaal marin lacageed oo la siin doona cidii hesha ceeb iyo dhaliil la xidhiidha nidaamkeeda.

Shirkada Maamusha Twitter ayaa warbixin ay soo saartay ku xaqiijisay in nidaamkeeda loo adeegsado xidhiidhka bulshadu uu yahay mid ammaan ah, waxa kale oo shirkadu sheegtay in mar walba ay filan karaan dhaliilo iyo meelo ay ka liitaan, hasa yeeshee ay diyaar u yihiin in cid kasta oo dhaliilo ama gal daloolo ka hesha ay siin doonaan abaal marin lacageed oo dhan boqol iyo afartan kun oo dollar.

Twitter ayaa abaal marintan ay u balan qaaday qofka kala dhinaasho ama gal daloolo ka hela barnaamijkeeda, shuruud uga dhigtay in aanu meel kale ku baahin ee kaliya iyaga oo qudha uu u soo sheego, ka dib marka la xaliyana uu tijaabiyo in daaqadaasi xidhantay markaas oo ah wakhtiga si rasmi ah loo gudoonsiin doono ablaal marinta la balan qaaday ee lacageed.

Twitter ayaa hore u shaqaalaysiisay ilaa lix iyo afartan qof oo ka mid ah dadka jabsada shabakadaha internet-ka ee (Hackers)ka loo yaqaano, si ay uga nabad gasho in la xado macluumaadka dadka macaamiisha u ah, waxa kale oo shirkadani ka mid tahay kuwa dhaqaalaha badan ku bixiya ilaalinta adeegeeda.

Shirkadaha bixiya adeega xidhiidhka bulshada ee internet-ka ayaa cabsi wayni hadhaysay ka dib markii kooxaha jabsada internet-ka ee dunidu qaadeen, olole balaadhan oo ay ku xadayaan macluumaadyada dadka caanka ka ah dunida, waxaana sida la sheegay shabakadaha lacagta badan u huray ka mid ah, Facebook, Yahoo, Slack iyo Coinbase. 

 

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply