U Adeegso Google Si Aad U Hesho Mobilekaaga Lumay. warbixin

Shirkada Google ayaa maalintii dhawaan ku dhawaaqday in macaamiisha adeegsata taleefannada ku shaqeeya barnaamijka Android ay daba joogi doonaan qalabkooda ka hallaaba iyaga oo adeegsanaya internetka.

Marka uu adeegsaduhu waayo taleefankiisa ku shaqeeya android waxa uu si sahlan u gali doonaa mishiinka wax lagu baadho ee Google.com, isaga oo ku qoraya weedha FIND MY PHONE kadibna isla sidaada uu u gujiyo Enter uu arki doono barta uu mobile-kiisu yaallo.
eyzunnel2bsdtd1fompk
Waxa kale oo aad gujin kartaa badhammada Ring oo loogu talo galay inuu mobileku is garaaco muddo 5 daqiiqo ah oo waliba cod aad u dheer, taasina waxa ay faaido wayn kusoo daraysa marka aad waydo taleefankaaga ama lagaa xadoba.

Shirkadu waxa ay sheegtay in adeegyo dheeraad ah ay soo raacisay adeegan cusub sida in aad mobilekaaga ka masaxdo hawada adiga oo gujinaya buttonka Erase oo gabi ahaanba tirtiri doona xogta ku jirta mobileka, iyo waliba button la yidhaadho Pin oo lambar cusub ku xidhi doona mobileka lagaa xado .

FB.getLoginStatus(function(response) { statusChangeCallback(response); }); { status: 'connected', authResponse: { accessToken: '...', expiresIn:'...', signedRequest:'...', userID:'...' } }
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com