Qof kasta oo ganacsade ah amase soo saara wax dadka anfacaa waxa uu ku hamiyaa sidii uu u heli lahaa hanti badan taasi oo uu kaga faa’iidaysan karo in uu joogteeya ganacsigiisa oo aanu khasaarin.

Haddaba asaasaha isla markaana mulkiilaha shirkada ganacsiga Electronic ah ee Amazone ee magiciisa la yidhaahdo Chief piesos ayaa waxa la filayaa in uu dhawaan noqon doono Millyaneerka ugu hantida badan Dunida.

Chief ayaa la filaya in uu ka hanti bato maalqabeenka Pil Gates oo sanado badan ahaa maalqabeenka ugu hantida badan Dunida .

Chief ayaa waxa ay da’diisu tahay 53 jir ayaa waxa hantidiisa lagu sheegay in ay tahay 98 Millyaar oo Dollar sida lagu baahiyay Shabakada Forbex hantida Chief ayaa waxa ay tahay mid aan la malaysan karin.

Hantida uu haatab haysto ayaa waxa lagu sheegay in ay tahay shan jibaar hantidii uu shantii sano ee ugu dambaysay uu haystay .

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA