Waalid Adeecnimo: Gabadh Shiine Ah Oo Ayeydeed Iyadoo Xambaarsan Shaqo Tagta Xafiiska ay ka Shaqaysana ku Haysa

Gabadh u dhalinyaro ah oo u dhalatay dalka Shiinaha ayaa ku kacday dhaqan iyo arrin naadir ku ah dunida casriga ah wakhtigan, isla markaana aad ugu adag dadyowga aan diinta Islaamka aaminsanayn, taas oo ah waalid adeecnimo heerkeedu sareeyo oo ay dib ugu gudayso barbaarintii iyo tacabkii waalidkeed ku soo bixiyay markii ay yarayd

Caring Granddaughter Takes Grandma, 88, To Work Every DayGabadhan oo lagu magacaabo, Huang Li Hua da’deeduna tahay afar iyo labaatan jir, ayaa maalin kasta la arkaa iyadoo xambaarsan Ayaydeed, sidaa ku tagaysa shaqada, waxaanay ayaydeed gaysaa xafiiska ay ka shaqayso, halkaas oo ay fadhiisisi mid ka mid ah kuraasta buushka ah ee dadka xafiiska soo booqda loogu talo galay, halkaas oo marka laga baxo ay wada sheekaystaan, ku quudiso wax kastana ay ka wada arinsadaan.

Gabadhan ayaa wargeyska Daily Mail, u sheegtay in ay sidan u samaynayso sidii ay Ayaydeed ugu abaal gudi lahayd, ee ay ugu samo fali lahayd, waxa ay sheegtay in ay guriga kaga iman kari lahayd laakiin ay doonayso in Ayaydeed farxad ku noolaato oo aanay dareemin cidlo iyo in la dayacay.

Gabadhan ayaa goobta ay ka shaqayso ka dalbatay in Ayaydeed loo ogolaado inay xafiiska la joogto inta ay shaqaynayso, waxaanay tilmaantay in sidaa ay u yeelayso, abaal gudka Ayaydeed oo sida ay sheegtay iyaduba meel walba la tagi jirtay, shaqo iyo xaflad kasta oo laga casuumana aanay ka xishoon jirin Ayaydeed markii ay iyadu yarayd.

“Ayayday meel kasta iyadoo I xambaarsan ayay I gayn jirtay markii aan yara ee aan carruurta ahaa, oo guriga igumay sii xidhi jirin, xitaa haddii ay soo adeegayso iyo haddii ay tagayso meesha ay ugu jeceshahay, hore ayay iga sii xambaari jirtay, waxaanan taa u arkay inay murugada iga ilaalin jirtay, aniguna waa inaan sidaa si leeg meel kasta anigoo xambaarsan aan ula taga, oo aan shaqo iyo xaflad midna kala xishoon.” Ayay tidhi gabadhaas Huang Li Hua.

Islaantan Ayeeyada u ah gabadhan oo lagu magacaabo, Lang Son Seo (88-jirna da’deedu tahay), ayaa aad ugu faraxsan, waxaanay u aragtaa in gabadha ay ayayda u tahay, sama falkii dunida ugu waynad ee qof bani aadmi ahi waalidkii u samayn lahaa ay u samaysay.

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply