Wadaad Amar Kusoo Rogay In Aan Lays Furi Karin Inta Lagu Jiro Bisha Ramadaan

Shiikh Maxamuud Xabash oo ah madaxa maxkamada Islaamiga ah ee dhulka Falastiin ayaa soo saaray amar ah in Lamaanayasha isqaba aysan is furi karin xiliga lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadanka.

Shiikh ayaa sheegay in sanadihii lasoo dhaafay uu arkayey Qoysas badan oo ku burburay hadalo adag oo ay lamaanayaasha is dhaafsadaan xiliga Ramadan-ka, arrintaasi oo uu la xariiriyey in maadaama la soomayo dadka qaarkiisna gaajo xun qabato halka kuwo kalena joojiyaan cabitaanka sigaarka, ay keento hadalo kulul oo la is dhaafsado oo hadhow keena furiin iyo ka-shalaay.

 Sanadkan ayuu sheegay in Maxkamadaha reer Falastiin la farayo in aan la fasixin furiinka deg dega ah, isagoo sheegay in aan waxna laga soo qaadi doonin go’aanada deg dega ah ee guurka lagu burburiyo xiliga lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadan-ka.

Faalo Ka Dhiibo

comments