Wadaadka Ugu Wayn Diinta Cristianka Oo Nairobi Soo Gaadhay

Baadariga madaahibta Catholic-ga ee diinta masiixiyadda Pope Francis ayaa gaaray dalka Kenya oo ay uga bilaabaneyso booqasho afar maalin ah.
Baadarigan waxaa garoonka diyaaradaha ee JKIA ee Nairobi waxaa kusoo dhaweeyay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo madaxda kale ee dalkaasi.

151125130242_pope_in_africa_2_624x351_afp_nocredit
Magaalada Nairobi waxaa laga buuxiyay boorar uu pope ka ku sawiran yahay
Booqashadiisaan ayaa ah tii ugu horeysay ee Afrika uu ku yimaado tani iyo markii uu xilka qabtay.
Inta ay u socoto booqashadiisa shanta maalin ah, Pope-ka waxaa la filayaa inuu ka hadlo isu dulqaadashada iyo sida loogu baahan yahay inay wada hadlaan muslimiinta iyo masiixiyiinta.

151125130242_pope_in_africa_2_624x351_afp_nocredit
Pope ka waxaa loo diyaariyay meelo kala duwan oo uu booqanayo
Sababtya uu uga hadlaayo wadahadalka waxaa dhalisay weerar ay koox hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ay dhowr jeer ku qaadeen dalka Kenya.
Weerarada waxaa ka mid ahaa mid lagu qaaday dhismaha ganacsiga ee Westgate oo ku dhowaad 70 qof ay ku dhinteen, iyo kii lagu qaaday jaamacadda garissa ee lagu dilay qiyaastii 150 qof.

151121101342_pope_visit_africa_cart_pusher_624x351_bbc_nocredit
Waxa uu la kulmi doonaa dadka fuqarada ah
Pope-ka waxa uu sidoo kale booqan doonaa, Ugandha oo weeraro dhowr ah ay ka dheceen iyo Jamhuuriyadda bartamaha Afrika oo ay ka taagan yihiin rabshado u dhexeeya Muslimiinta iyo masiixiyiinta.

151123113939_pope_visit_africa_banner_512x288_bbc_nocredit
151121101436_pope_visit_africa_kangemi_altar_624x351_bbc_nocredit

FB.getLoginStatus(function(response) { statusChangeCallback(response); }); { status: 'connected', authResponse: { accessToken: '...', expiresIn:'...', signedRequest:'...', userID:'...' } }
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com