Wakaalada Sirdoonka Maraykanka (FBI) Oo Baadhaya Cida Internet-ka Ku Baahisay Sawirada Qaaqawan Ee Aktarada Hollywood

 Sida wakalaadaha wararka dunidu saacadihii ugu danbeeyay ka warbixinayeen, fadeexad culus oo ka dhalatay, sawirada ilaa 20- ka mid ah Hablaha Aktarada ah ee Hollywood oo iyagoo qaaqawan lagu baahiyay shabakadaha internet-ka ayaa cirka isku shareertay ka dib markii inta badan xidigahaasi ay cabasho ka gudbiyeen.

Cadhada iyo cabashada xidigaha waaweyn ee Hollywood oo ay hor kacayso Aktarada, Jennifer Lawrence, waxa ay sababtay in wakaalada Sirdoonka Maraykanka u qaabilsan ee Magaceeda loo soo gaabiyo (FBI)-du, bilowdo baadhitaan lagu ogaanayo cidii ka danbaysay fadeexadaas, ee iyadu internet-ka ku baahisay sawirada aktarada qaaqawn.

201409021134138Inta badan waxa la isku raacsan yahay in sawiradan laga baahiyay aktaradaas dumarka ah, ay sababtay cid xaday kaydkooda internet-ka, kuwaas oo suura gal ay tahay inay jabsadeen email-da gabadhahan xidigaha reer Hollywood.

Sidoo kale waxa shaki badan laga qabaa, qaabka kaydka iyo isku gudbinta macluumaadka ee shirkada Apple, telefoonadeeda loo isticmaalo, kaas oo ah barnaamijka loogu yeedho, [Aye Claude], kaas oo loo adeegsado marka si toos ah qofku sawiradiisa ugu shubanayo ama ugu kaydsanayo internet-ka.

Wakaalada sirdoonka Maraykanka ee FBI-da ayaa sheegtay in xaaladan ay baadhitaan deg deg ah ka samaynayso, waxaanay wax laga xumaado ku tilmaantay dadka sida khaldan u adeegsanaya xoriyada aasaasiga ah ee macluumaad raadinta Internet-ka, waxa kale oo FBI-du ka hadashay sida ay xad gudub ugu tahay xoriyada aasaasiga ah ee qofka.

 

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply