Waligaa Ma Aragtay Boqolaal Qof Oo Ku Mudaharaadaya Aroos?

Inta badan waxa aynu maqalnaa mudaharaadyo ka dhan ah xukuumadaha dunida iyo dibad baxyo lagu diidan yahay, qiimo korodhka badeecadaha kala duwan ee la quuto iyo waxyaabaha aasaasiga ah ee aadamigu u baahan yihiin sida shidaalka, korontada iyo qiimaha gaadiidka dadwaynaha, laakiin waxa layaab ah in aad maqasho dad ku mudaharaadaya Aroos si sharci ah u dhacaya oo lamaane is jecel, ehelkooduna isla ogol yahay, wiil iyo gabadh caafimaad qaba ahina isku guursanayaan.

wedding-560-5(1)Dhacdadan oo ka dhacday dalka Israel ayaa la xidhiidha lamaane Carab iyo Yuhuud ah oo arooskoodu ka dhacayay, magaalada Tel Aviv, arooskaas oo ay ku mudaharaadeen ilaa labo boqol oo qof oo Yuhuuda xag jirka ah, kuwaas oo taayiro ka hor shiday goobtii xafladu ka dhacaysay isla markaana isku dayay inay rabshado ka dhigaan hoolkii lagu qabanayay arooska.

Waxa markiiba soo dhex galay booliska rabshadaha la dagaalama oo loo dalbaday, kuwaas oo suntan dadka kaga ilmaysiisa ku riday dibad baxayaasha arooska diidanaa, waxaanay ugu danbayntii ku guulaysteen boolisku inay taxaabaan afar ka mid ah dadkii mudaharaadka dhigayay, halka intii kalana muddo saacad ah ay is eryanayeen booliska rabshadaha la dagaalama ee dalka Israel.

Lamaanahan is guursanayay ee mudaharaadka lagu diidan yahay arooskooda lagu qaaday, ayaa kala ahaa, wiil muslim ah oo lagu magacaabo, Maxamuud Mansoor oo lix iyo labaatan jir ah iyo gacalada uu calmaday oo lagu magacaabo, Maraal Malika oo iyaduna sadex iyo labaatan jir ah, kuwaas oo sifo sharci ah isku guursaday, arooskooduna ka dhacayay xaafada ay degan yihiin ee Yaqa oo ku taala caasimadda Israel ee Tel Aviv.

women-560Mudaharaadayaashan arooska ku dibad baxayay ayaa socodkooda ku bilaabay hab nabad galyo ah, waxaanay siteen boodhadh ay ku qoran yihiin, halku dhegyo ay ku durayaan carabta, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen, (Dhimasho Carab Bay U Sugnaatay), Carabtu ha dhacdo iyo weedho kale oo carab iyo islaam nacayb muujinaya.

Aroosada u dhaxday ninkan muslimka ah ee arooskeeda lagu mudaharaaday ayaa waraysi ay siisay hilinka labaad ee telefishanka Israel, waxa ay sheegtay in sababta ka danbaysay mudaharaadkan rabshadaha wataa ay ahayd mid kooxdaasi ku doonaysay inay ku khal khaliyaan, kuna arbushaan, laakiin aanay u suura galin, waxaanay tidhi, “Waani Farxi doonaa, ciyaari doonaa ilaa waagu ka soo guduutana halkan baanu joogi doonaa ee maxay samayn doonaan?

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply