Waligaa Ma Maqashay Bangi Shaqaalaha Iyo Madaxdiisu Maxaabiis Yihiin Jeelna Ku Dhex Yaala?

Qof kasta oo inaga mid ahi marka uu maqlo, Bangi waxa uu sawiranayaa, goob aad u qurux badan oo ay ku sugan yihiin, shaqaale xirfad iyo aqoon u leh, adeega macaamiisha iyo xisaabaha kala duwan ee lacagta, waxaana hubaal ah in goobtaasi tahay meel ay yaalaan qasnado, lacagi ku jirto, khaanado faylal yaalaan iyo waliba kaambuyuutaro iyo qalab kale oo lagu shaqaynayo.

Laakiin aad bay u yar tahay inaad maqasho bangi la mid ah, ka qormadeena maantu ku saabsan tahay, kaas oo ah, Bangiga lagu magacaabo, San Pedro Prisoner Bank, kaas oo ku yaala jeelka magaca baankani sito lagu magacaabo oo ku yaala dalka Peru ee koonfurta qaarada Amerika.

Baankan ayaa ka dhex furan xabsi aad ammaankiisa loo ilaaliyo, waxaana shaqaalaha, masuuliyiinta iyo macaamiisha baankaas dhamaantood ay yihiin, Maxaabiista xabsigaas ku xidhan, kuwaas oo marka la eego mid walba danbi uu galay loo soo dhigay xabsiga.

Waxa kale oo layaab leh in baankan sida bangiyada caadiga ah, maalin kasta subaxdii la furo, wakhtiga shaqada ee caadiga ahna uu maalintii oo dhan shaqeeyo, waxaana shaqaalihiisu kaliya ay fasax yihiin, maalmaha fasaxa ee caadiga ah oo kaliya.

Arrinta kale ee xiisaha leh ayaa ah in baankan ay ka shaqeeyaan Maxaabiis qaarkood musuq maasuq iyo xatooyo lacageed xabsiga loo soo dhigay, kuwaas oo haddana si ka aaminsan markii ay xorta ahaayeen uga hawl gala halkan.

Maxaabiista ayaa baankan la soo gala kaadhadhkooda lacagta, waxaanay kala baxaan marba lacagta ay u baahan yihiin xisaabtooda, waxa loo suura galiyaa, kuwa xisaab furan ku lahaa bangiyada kale ee dalka in looga soo xawilo marba wixii uu u baahan yahay.

Jeelka San Pedro ee dalka Peru ayaa ka mid ah xabsiyada dunida ugu wanaagsan dhinaca nolosha iyo dhaqan celinta maxaabiista, waxa xabsigaas ku dhex yaala tiraba dhawr warshadood, kuwaas oo soo saara qalabka guryaha lagu qurxisto, dayac tir aad u taya sareeyana u sameeya gaadiidka kala duwan.

Qof kasta oo maxbuus ka ah xabsigan ayaa wixii uu shaqeeyo kala badh lacagta ka soo baxda ku leh, halka badh ka kalana xabsigu kaga darsado miisaaniyadiisa, sida uu sheegay mid ka mid ah shaqaalaha xabsigaas ka hawl gala ee maxaabiista ka midka ah, waxa intii uu ku jiray jeelka u ku guulaystay inuu dhigto hanti lacageed oo aanu markii dibada uu joogay urursan kareen.

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply