War Deg-deg Ah Feedhyahankii Caanka Ahaa Ee Mohamed Ali Kalay Oo Geeriyooday

Waxa goor dhaweyd geeriyooday Ciyaaryahankii Caanka ku ahaa dhinaca feedhka miisaanka culus ee Maxamed Cali Kalaay oo labadii maalmood ee ugu dambeeyay cusbitaal u jiifay xanuun dhinaca neefsiga ka ga dhacay.

 

Afhayeen u hadlay qoyska Maxamed Cali Kalaay oo ay hada da’diisu maraysay 74 ayaa saddex jeer waxa uu ku guulaystay billada dhinaca feedhka.

Waxa maydka ciyaaryahankan lagu aasi doonaa Louisville oo uu ku dhashay, waxaana oorida uu ciyaaryahankaasi qabay ay warbaahinta u sheegtay in labada hablood ee uu dhalay oo la kala yidhaahdo hana iyo layla ay ka qayb geli doonaan aaska aabahood.

Faalo Ka Dhiibo

comments