Wariye Maanta Lagu Dhexdilay Magaalada Muqdisho

Kooxo Hubeesan ayaa goordhawayd xaafada Banaadir ee Degmada Hodan waxa ay ku dileen gabadh Wariye ah oo lagu magacaabi jiray Sagal Salaad Cusmaan , gabadhan ayaana ka tirsaneed warbaahinta dowlada gaar ahaan Radio Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa ku waramay in Kooxo baaskoolada ku hubeesnaa ay Wariye Sagal Salaad ku dileen afaafka hore Jaamacada Plasma ee kutaala Xaafada Banaadir, kooxihii dilka geestay ayaa goobta ka baxsaday.   Wariyaasha Somliya aya la Kulma dilal iyo hanjabaadyo Kala duwan oo ay kala Kulmaan Dowlada Somaliya ;Ururka Al-Shabaab

Somaliya ay ka Mid ah Meelaha ugu Halista Badan oo Wariyaal Badan ay isaga Carareen Amni Dari awged Waxana Wariyaasha Somalida Ah ay Magan Galyo Waydiisteen Wadamo Badan oo Ka Mid ah Yurub si ay u Helaan Amaan Waxana Wadamada Wariyaasha Somalida Ugu badan ee Magangalyada Waydiistaan ka Mida Sweden,Filand, Uk iyo Wadanka Austia oo Wariyaal ka Soo Cararay Soomaliya ay ku nool Yihiin

 

Faalo Ka Dhiibo

comments