WAX BADAN KA OGOW SHEEKADI XIISAHA LAHAYD EE FILIMKI TITANIC

Maxaad kala socotaa xaqiiqooyinkii markabka TITANIC filimkii laga sameeyay iyo markabkaba

Waxaa jiray hishiis weyn oo qoto dheer oo hoos yimaada sheekada TITANIC hadaba si aad wax ugu ogaato xaqiiqooyinka muhiimka ah khasaaro iyo nolosha markabkaasi weyn ee titanic waxan rajeynayaa in wax qiime leh aad ka heli doonto hadaad xiiseyneyso.

TITANIK waa filim mareykan ah oo la sameeyay sanadii 1997dii , wuxuuna ahaa nuuca DARAMAHA loo yaqaan , waxaana sheekada filimkaasi qoray nin la yiraahdo JAMES CAMERON isla issaga ayaana soosaare ka ahaa, Aktarka filimkana wuxuu ahaa LEONARDO DECAPRIO halka atariishduna ay aheyd KATE WINSLET.
Qoraaga filimkan ayaa qorista filimkan bilaabay sanadii 1995kii wuxuuna ahaa ninkii ugu horeeyay filim nuucaa ah ku dhiirada in uu sameeyo isagoo doonayay in uu ku gaadhsiiyo fariin shacuureed masiibadii laga dareemay iyo sheeko jacely u dhaxeysa khasaaraha biniaadamka oo noqon lahaa lagaga maarmaan.
19kii Bishii December 1997kii ayey aheyd markii si rasmi ah loo daawado flimka TITANIC wuxuuna gaaray guulo waaweyn waxuu helay filimkaa magacaabista ACADEMY AWARD , wuxuu ku guuleystay 12 jaaiso oo ay ku jirto abaalmarinta BEST PICTURE iyo BEST DIRECTOR waana filimka kaliya ee hal mar kuwada guuleystay abaalmarinada OSCOR , ku darso oo filimka TITANIC waa filimka kaliya caalamka gaaray calamada bilyan doolar , wuxuuna ilaa waqtigan wili yahay filimka ugu weyn ee waqtigan nuuciisa oo kale, Soosaaraha filimka CAMERON wuxuu dhaafay soosaarayaal badan sumcad weyn ayuuna ku yeeshay caalamka.Sanadkii 2012 ayaa lagu soo saaray aalada 3D.

Filimka TITANIC lacagta ku baxday ayaa ka badan lacagta lagu sameeyay markabka TITANIC waxaana lagu qiyaasaa in ay ku baxday 200 milyan oo doolar halka markabaka lagu sameeyay 184 milyan oo doolar.

Qiimeynta filimada ee waxa loo yaqaan BOX OFFICE sanadkii 2012 wuxuu kasbaday aduun lacageed oo gaaraya $658,672,302 gudaha waqooyi ameerika kaliya iyo caalamka kale oo laga uririyay $1,526,700,000 mudo 12 sano ah gudohood.

Cabdirka markabka dhererkiisa wuxuu ahaa 269.1 mitir ( 882 feet 9 inches.

Qadarka dhuxusha lagu isticmaalayay maalintii wuxuu ahaa 825 – oo tan

Qiyaasta Tirada saxda ah ee laambadaha nalalka ee ku xernaa markabkii tatanic waxey aheyd 10,000 laambad.

Qarashaka ku baxay dhismaha markabka titanic $7,500,000

Tirada shaqaalaha ku dhintay markii la dhisayay 2 ruux

20 faras ayey noqotay in la saaro markabka

Tirada ugu badan uu qaadi karo markabka titanic 3,547

Tirada dadka saarkaa rakaabka iyo shaqaalaha 2,223 .tirada lamaanaha ku jray bisha malabka oo aroos ahaa 13 ruux.

Koobabka biyaha lagu cabo 24 kii saacba waa 14,000 ,

Tirada Ukun ( beed ) cusub ee markasta 40,0000

Tirada khamrigii saarnaa markabka titanic waxey aheyd 1000 dhalo.

Tirada doomaha yaryar ee markabka lagu qalabeeyay waxey aheyd 64 ,waxeyna halkii mar qaadi kareysay halkii doon 65 ruux.

Tirada digniin heshay markabka inta uusan qarqamin waxey ahaayeen 6 ruux kaliya

160 daqiiqo ayey qaadatay markii uu barafka ku dhacay 2 saac iyo 40 daqiiqo

Heerkulka biyaha badda wuxuu ahaa 2 centigrade. Markabkaasi oo aad u weynaa kana koobnaa dhowr dabaq oo si aad ah loo qurxiyay dadka saarnaana ay u badnaayeen maalqabeen ayaa 31.6 boqolkiiba tirada guud e rakaabka iyo shaqaalaha ayaa ka badbaaday, sidoo kale eeyihii badnaa ee ay wateen maalqabeenada waxaa ka badbaaday 2 kaliya.

Xogta iyo sheekada filimka iyo markabka titanic kuma eka inta aan soo qoray kaliya tanina waa qeyb kooban oo aan ugu talagay in faham laga qaato cidii dooneysa.
suxufigadari@gmail.com

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply