Wax Ka Baro Taariikh Ciyaareedka Ciyaaryahanka Yaya Toure

Riyadii ciyaartooyga u dhashay Ivory Coast una ciyaara Manchester City Yaya Toure ayaa rumoowday 2105 kadib markii u lix jeer oo hore isku dayey inuu kor u qaado koobka Afrika.

Kadib markii ay 2006dii iy 2012dii lagu reebay rigorayaasha, ayaa kooxda oo lagu naanayso maroodiyaashu ku guulaysteen gool ku laadkii u danbeyey horyaalka Afrika iyadoo Toure uu door weyn ka ciyaaray.

Sideed jir ayuu ahaa markii dalkiisu ku guulaystay koobka Afrika sanadii 1982, Kabtanka awooda badani waxaa u suurto gashay mar labaad inuu dalkiisa ku guulaysto koobka .

Waxay abaal gud u qalma mid kamida ciyaartiiga ugu laacibsan , iyo aqoonsi loo fidinayo jiil soo ciyaaray .

“laga soo bilaalbo 2006 waxaa la odhan jiray Ivory Coast waa tiimka ugu fiican ,lakiin hore umaan haleelin koobka “ Touree ayaa sidaasi u sheegay BBC Sport Waxaanu intaa ku daray “2015ku waxa u yahay sannad cajiiba , aniga iyo walaalkay Kolo ayaa kor u qaadnay koobka “

Touree ayaa ciyaar cajiiba soo bandhigay ciyaartii Semi Finalka ee ay DR Koongo la ciyareen taas oo aad looga helay .

Waxaa kale oo uu door weyn kasoo qaatay dhanka kooxdiisa Manchester City oo ahayd koox hogaaminaysa horyaalka dalka Ingiriiska .Waxaanu u ciyaaray sagaal ciyarood oo uu keenay sagaal guulood .

Markii uu ka tagay kooxdiisa way u suurto gali weyday inay ku guulaystaan horyaalka Ingiriiska .

Ra’yiga khubarada

Yaya Touree ayaa mar kale musharaxa uu ah inuu noqdo laacibka Afrika ee sanadka, taasi oo uu ku guulaysatay 2013kii , waana markii todobaad ee loo magaacabo . waxaa lagu sheegaa inuu ka mid yahay kuwa ugu fiican ciyaartoyga dhexda ka ciyaara ee jiilkiisa., waxaana la arkay qiimaha uu u leeyahay qaranka iyo kooxdiisaba .

Waa ciyaartooy culus oo muquunin kara kuwa kasoo horjeeda , Touree waa nin guulaysta waxaanu bishii February kabtan u ahaa kooxda dalkiisa ee koobka Afrika qaaday, ciyaara acajiiba ayuu soo bandhigay tartankan Afrika

Waa Ciyaartooyga qudha ee Afrikaanka ah eek u jira Liiska 23 nin ka kooban ee FIfa lacaibaantooda caalamka , muran kama jiro inuu yhayhogaanka ciyaartooyga ee Afrika . Sidaas Ayaan u aaminsanahay in uu Yahye noqdo laacibka sanadka ee BBC-da.

FB.getLoginStatus(function(response) { statusChangeCallback(response); }); { status: 'connected', authResponse: { accessToken: '...', expiresIn:'...', signedRequest:'...', userID:'...' } }
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com