dhawaan ayay ahayd markii Jariirada Indian Times ayaa soo bandhigtay 8-da jilaa ama atoore ee loogu ciyaarta jecel yahay Bollywood, jilayaasha Bollywood ayaa inta badan aad looga xiiseeya dhulka Soomaalidu degto. waxaana ay u yaqaanaa magacyo gaar ah

1-Shami Kapoor: Jilaagan ayaa inta badan dadka dhallinyarta ahi ay adag tahay inay gartaan, balse waxaa uu ahaa jilaayaasha shirkadda Bollyowood ugu caasan lixdamaadkii.Jilaaga Hrithik Roshan ayaa codeeyay in aan la heleyn qof lala masliyo Shami ,marka laga hadlaayo Dance.

1a

 

2-Mithun Chakraborty waa xidigii ugu caansan xagga qoob ka ciyaarka sideetamaadkii,, Jilaaga caanka ah ee Govinda ayaa yidhi Mithum waa ciyaaryahan caalamiya ah waana shaqsigii ugu wanaagsanaa sideetamadki dhanka Dance-ga waxa uu soo bandhigay. Dadka Afka Soomaaliaga ku hadlayaa waxay u yaqaanaan aktarkan Gaal Mastar

2a

3-Kamal Hassan isna waxaa lagu sheegaa in uu kamid ahaa mu’alifiintii sideetamadi ugu caansanaa ee dhanka ciyaaraha, waxa uuna caan ku ahaa [COLOR].

3a

4-Govinda waa aktarka caan ah oo ku caan dhanka jilidda filimada Comedy-ga ah iyo waliba dhinca ciyaaraha qoob ka ciyaarka.

4a

5-Hrithik Roshan dad badani waxa ay qabaan amaba rumeysanyihiin in uu yahay ninka ugu wanaagsan taariikhda Bollwyood marka lasoo hadal qaado Dance ama dheel, xiligii ugu horeysay ee uu keenay Filmkii ‘Kaho Na Pyar Hai’ waxaa dad badani lacajabeen qaab ciyaareedkiisa , wuxuuna qabsaday maskxada  taageera yaal badan oo ka helay qaab ciyareedkiisa

5

6-Shahid Kapoor waa shaqsiga kaliya ee awooda in labarbardhigo Hrithik Roshan waxa uuna leeyahay karti uu kula tartamo Hrihtik booska koobaad ee Bollywoodka, Shahid waxa uu awoodaa in uu sameeyo ciyaaro cusub oon weli la arkin,

6

7-Akshay Kumar sidoo kale waxa uu leeyahay dheel wanaagsan, waa akhtar ku wanaagsan dhinaca filimada comedy-ga.

77

8-Shahrukh Khan oo galay kaalinta u dambeysa qiimeynta ciyaarta ayaa waxa isna uu soo bandhigay ciyaaro aad u wanaagsan sida Filmka Om Shanti Om, isagoo mararka qaar sameeya waxyaabo lama filaan ah waana Xidig aan la qari karin tayada uu ku leeyahay Ciyaaraha Dance-ga inkastoo aan loo barbar dhigi karin jilayaasha kor lagu soo qiimeeyay.

7

KA DHIIBO FIKIRKAAGA