Sida la wada ogyahay cuntooyinka fudud ee warshadaysan (Junk foods) guud ahaan uma wanaagsana caafimaadka qofka, laakiin haddana way adag tahay inuu qofku iska kaantaroolo isticmaalkooda, maxaa yeelay shirkadaha soo sameeya ayaa ku dedaala inay dhadhan wanaagsan u yeelaan, waxaanay ku badiyaan dhanaanka iyo macaanka oo ah dhadhamada ay naftu jeceshahay.

Macnaha cunto fudud (Junk Food) waa cunto ay guud ahaanba ku yar yihiin nafaqooyinka muhiimka ah ee jidhku u baahan yahay, isla markaana uu ku badan yahay subagga ama dufanka aan caafimaadka u wanaagsanaynin, sidoo kale waxa ka buuxa sonkor iyo milix, waxaana ka mid ah cuntooyinkaas Baradhada noocyadeeda kala duwan, Chips-tapotato chips, noocyada kala duwan macmacaanka, sharaabka Soodhaha leh.

Sidaa darteed cuntooyinka fudud isticmaalkoodu wuxuu leeyahay saamayn taban oo caafimaad oo la xidhiidha jidha ahaan iyo nafsiyanba.

Korodhka Miisaanka Jidhka:

Cunooyinka fudud waxa ku badan waxyaabaha kordhiya tamarta jidhka, maxaa yeelay waxa ku badan maadada Calories, Duxda iyo Sonkorta.

Daraasad sannadkii 2012 lagu daabacay “The American Journal of Clinical Nutrition” ayaa muujisay in isticmaalka badan ee cuntooyinka fududi (junk foods) ay sababaan in jidhka qofka uu saameeyo miisaan badan oo fuula iyo culeys nafsiyan ah.

Xanuunnada aan dawada lahayn (Chronic Disease):

Cuntooyinka fudud ee warshadaysan isticmaalkoodu wuxuu kordhiyaa duxda qoyan halista ah ee aanu jidhku u baahnayn iyo sidoo kale subagga loo yaqaan Cholesterol-ka ee dhiigga saameeya.

Sida uu faafiyay ururka caafimaadka Wadnaha ee dalka Mareykan (American Heart Association) duxda qoyan iyo subagga loo yaqaan cholesterol-ka waxay kor u qaadaan xadiga subagga dhiigga, kaasoo sababa wadne xanuun iyo Faalig. Sidoo kale cuntooyinka warshadaysan ee fudud waxay sababi karaan khatarta dhiig karka.

Macaanka noociisa 2aad (Type 2 Diabetes):

Jidhka bani’aadamku wuxuu hormoonka Insulin u isticmaalaa si uu dhiigga uga saaro sonkorta, taasoo sahasha in unugyada dhiigu ay si fiican u shaqeeyaan, balse haddii uu qofku aad u isticmaalo cuntooyinka fudud ee la warshadeeyo, waxa uu halis u yahay in khalkhalo hanaanka uu jidhku iskaga saaro sonkorta, taasoo sababi karta xanuunka macaanka noociisa 2aad (Type 2 Diabetes)

Nafaqo-darro (Nutritional Deficiencies):

Marka uu qofku cuno xadi badan oo cuntooyinka fudud ee la warshadaysan waxa meesha ka baxa fiitamiino iyo macdano badan, kuwaasoo keena Barotiin la’aan. Waxyaabaha ay la dagaalamaan cuntooyinka fudud ee warshadaysani waxa ka mid ah Calcium-ka, Iron-ta, Fiitamiinada A, C, D, E, B, macdanta Potassium iyo maadada Zinc.

Guud ahaan fiitamiinada, macdanaha iyo maadooyinka kale ee aynu kor kusoo xusnay oo jidhka ku yaraadaa waxay si sahlan u sababi karaan inuu meesha ka baxo hanaanka difaaca jidhku, taasoo halis u ah inay si fudud qofka ugu dhacaan xanuuno kala duwan iyo caabuq

KA DHIIBO FIKIRKAAGA