Wax Kabaro Qodobo Sababaya Inaad Maalin Walba Isticmaasho Canbe Lafka.

Canbe lafka ayaa jidhku aad ugu baahan yahay waxaana loogu yeedhaa boqorka khudrada, La dagaalanka cudurka dilaaga ah ee Kansarku waa ka mid faa’iidooyinkiisa waxaanan qormadeenan ku soo qaadan doonaa 5 sababood oo aad maalin walba ugu baahan tahay inaad cunto canbe laf.

Jadwalka Nafaqo

Hal koob oo canbe laf ah (225 gram)waxa uu ka kooban yahay
-105 calories
-76% oo Vitamin C ah
-25% oo Vitamin A ah
-11% oo Vitamin B6 ah iyo fiitamiinada kale ee Bda ah kuwaas oo caawiya soo saarida hoormoonada maskaxda iyo la dagaalanka cudurada wadnaha
-9% oo probiotic fibre ah
-9% oo Copper ah waxaanay ka shaqaysaa enzymeska iyo samaynta unugyada dhiiga cas.
-7% oo Potassium ah si ay iskugu dheeli tirto xadiga Sodium ee qofku qaadanayo
-4% oo Magnesium ah

1.Ladagaalanka Kansarka

maadooyinka Quercetin, Isoquercitrin, Astragalin, Fisetin, Gallic acid iyo Methylgallat oo ku jira canba lafka ayaa waxa ay ka hor tagaan in uu ku dhaco qofka kansarka cunaha , ka naasaha iyo Leukemia.

2.Waxa uu jidhka ka ilaaliyaa beer subagawga

canba lafka oo qani ku ah maadooyinka Vitamin C, Pectin iyo fibres ayaa waxa ay dhowraan korodhka beer subagawga.

3.Miisaanka Waa Uu Dhimaa

Canba lafka ayaa waxa uu qayb ka qaataa dhimitaanka subagawga iyada oo sababta in miisaanka jidhku isdhimo.

4.Awoodaynta Habka Difaaca

Vitamin C, Vitamin A iyo ugu yaraan 25 maado oo kaloo ku jira canbaha ayaa waxa ay xoojiyaan habdhiska difaaca jidhka

5.Caawinta habdhiska dheefshiidka

canbe lafka waxa ku jira enzymes caawiya burburinta barootiinada jidhka waxaanay keentaa in cuntada si fudud loo burburiyo ayna fududaato habdhiska dheefshiidku.

Artistic-Mango-hd-Wallpaper-Free-Download

FB.getLoginStatus(function(response) { statusChangeCallback(response); }); { status: 'connected', authResponse: { accessToken: '...', expiresIn:'...', signedRequest:'...', userID:'...' } }
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com