Wax Kabaro Ururada Shaydaan Caabudka Ah Ee Dunida Ka Jira Iyo Awoodahooga

Dunida waxa ka jira bulshooyin isku mabda’ ah kuwaas oo inta badan ku midooba fikir ama aaminaad sida diinta, marka aan leenahay diinta ugama jeedno diimaha waawayn sida Islam, Christian, Hindu, Budhism IWM waxa aan qormadeenan ku soo qaadan doonaa 5ta bulsho ee dunida ugu khatarsan misena ugu awooda badan

,

1.The Order of Skull and Bones

Secret Societies
Waxa la aas aasay kooxdan 1832 waxana sameeyey koox arday ah oo kamid ahayd jaamacada Universtity, Kooxdani waa ka caan dunida iyaga oo ku caan baxay Falalka Shirqoolada ah ee ay geystaan, Waxyaabaha ay ku caan baxeen waxa ka mid ah Hayada Sirdoonka Maraykanka ee CIA waxa aasaasay isla kooxdan waxa kale oo kooxdani ku caan baxday samaynta filimada sexualka ah.

2.The German Thule Society
Secret Societies
Dadka cilmiga bulshooyinka bartaa waxa ay ku tilmaamaan kooxdan inay tahay kooxda sheegatay in lagu soo waxyooday hab maamulkii Nazism ee dawladii Hitler ku dhaqmi jirtay, kadib inta badan ee maamuladii soo maray wadankaasi waxa ay ahaayeen kuwo aaminsan Thule. Kooxdan ayaa waxa ay Hitler u aqoon sanaayeen magaca ‘Visiting Brother’ kooxdani waxay aamin sanyihiin in dadka lagu gaadhsiiyo habka NEW WORLD ORDER ee hada dunnida rer galbeedku ku dhaqmaan lagu socodsiiyo qaabab fudud isla markaana saamayntooda leh waxana kamida qaababkaas in dadka la laayo bulshadoodana la kordhiyo si loo helo dadwayne taabacsan khuraafaadkooda, Waxa ay sameeyaan habab galmo oo sixir ku lamaan yahay, Cunsuriyad balaadhan iyo waliba sixirka nooca khatarta ah ee Black Magic loo yaqaan.

3.The Bilderberg Group
Secret Societies
Waxa la aasaasay kooxdan 1954, The Bilderberg Group waa koox qarsoodi ah dunidana ka qarsoon waxa ay leeyihiin shir sanadle ah oo sir ah kaas oo 120-150 qof oo dadka dunida ugu saamaynta badani ee dhinacyada Ganacsiga, Dhaqaalaha. Saxaafada, Cilmiga , Madaxweynayaasha iyo Raysal wasaarayaasha ahi ku kulmaan kagana hadlaan in la helo wado ay meel walba oo dunida laga maamulo ugu jiri lahaayeen ugana muuqan lahaayeen gaar ahaan Maraykanka iyo Yurub waxa ay kooxdani dunida ka maleegeen shirqoolo waawayn waxakale oo lagu tiriyaa in ay yihiin kooxda ugu wayn ee dabada ka riixda hawlgalada argagixiso ee dunida ka dhaca.

4.Freemasonry
Secret Societies
Hadii aad Wikipedia waydiiso kooxdan waxa uu kuu sheegi doonaa in kooxdani tahay urur walaaloobay kuna walaaloobay ruuxda waxaanay jireen ilaa qarnigii 17aad, waxa ay sheegtaan inay yihiin koox sadaqado ama gargaar u fidisa dadka liita waxa ay kamid tahay kooxaha ay ugu sahlan tahay in lagu biiraa, Hadafka ugu wayn ee ay leeyihiin waa sidii ay u heli lahaayeen dad badan oo iyaga ah waxaanay u isticmaalaan inay dad helaan lacag, magac iyo waliba si walba oo loo soo jiidan karo qofka ka soo horjeesta waa la ceebeeyaa isaga oo danbi aanu lahayn dusha laga saaro dabadeed waa la dilaa iyaga oo ka dhaadhiciya in qofkaasi nolosha nacay dabadeed isagu isdilay. calaamadaha ay isticmaalaan oo ay kamid yihiin ‘G’ ayaa waxa ay u taagan tahay Masonic gnosis ama jiilka Ibliis (Lucifier) waxa ay ku dhaartaan dhiiga kuna dhaariyaan qofka 33 Degree taagan oo ah meesha ay aamin sanyihiin inuu yahay qofka halkaas joogaa nin awood u leh inuu arko Ibliis, Kooxdan ayaa waxa ay samaysay horumar aad u balaadhan kadib dilalkii ay u geysteen dhamaan dadkii caanka ahaa ee dunida soo maray qarnigii 21aad ee ka soo horjeestay.

5.The Order Of Nine Angels
Secret Societies
Waxa kooxdan la sameeyey sanadadii 60aadkii waxaanay aqoonsi ka heleen dunida oo la bartay 1990, Kooxdan ayaa waxa ay ka mid tahay kooxaha caabuda shaydaanka waxaanay saldhigooga ugu ka dhigteen wadanka Ingiriiska, Waxay ku dacwoodaan inay yihiin dadkii raacay diinta Satanism ee caabudida shaydaanka waxa ay dadka ku soo jiitaan qaabab maskaxeed aad u badan iyo ficilo badan,

Lasoco Qaybaha Hadhay

FB.getLoginStatus(function(response) { statusChangeCallback(response); }); { status: 'connected', authResponse: { accessToken: '...', expiresIn:'...', signedRequest:'...', userID:'...' } }
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com