Wiil 20 jir ah oo u dhashay Dalka Lubnaan ayaa waxa uu go’aansaday in uu ayaydii oo uu ku tilmaamay in ay bakhaylad tahay uu qudha ka jaro .

Wiilkani ayaa waxa magiciisa la yidhaahdaa Mustafe sida ay sheegeen ciidamada Amaanka ee Dalkaasi ,waxa uu la soo heshiiyay saaxiibkii si ay u khaarajiyaan Ayaydii intaasi kadibna ay u xadaan Dahabka iyo lacagta ay haysato ee ay diiday in ay siiso.

Wiilkan ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in sababta kale ee ku kaliftay in uu go’aankaasi qaato ay tahay in ay si aad u fool xun ula dhaqanto gabadh u doonaan oo uu rabay in uu dhawaan guursado.

Mustafe iyo saaxiibkii waxa ay ki dhaqaaqeeb go’aankasi ah in ay hantida ayaydii oo da’deedu ahayd 85 jir ay la dhacaan hantidaasi balse sida uu ka hor qirtay maxkamada marnaba muu damacsanayn in ay ayaydii geeriyooto,wiilkaasi saaxiibkii ayaa waxa uu maro afka kaga xidhay haweenaydaasi da’dada ahayd waxaana ku dhagay naqaska isla markaana waxa ay geeriyootay intii uu wiilka ay ayayad u ahayd ururinyay hantidii kabadha ugu jirtay .

Ciidamada Amaabka ee Dalka Lubnaan ayaa waxa ay ku guulaysteen in ay wiilkaasi iyo saaxiinkiisii dilka la fuliyay ay gacanta ku soo dhigeen waxa aanay sheegeen in maxkamada la hor geeyay isla markaana la sugayo in waxa u hadhay uu yahay xukunka kama dambaysta ah ee lagu xukumi doono.

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA