Waxaa Marag Loo Helay In Ay Dadkan Maanta Dad Ka Waawayn In Ay Ku Noolaayeen Aduunkan

In badan waxaa qisaska ummadihii hore ka warramaya iyo hadhaadiga laga soo gaadhayba laga dheegtaa in ay ka xoog badnaayeen kana dhumuc waaweynaayeen dadka caadiga ah ee hadda dunida ku dhaqan, dhammaan dhaqannada kala duwan ee dunida soo ka jira ama hore u soo marayna waxa ay leeyihiin sheekooyin tiro badan oo arrintaas marag u ah, waxa se mar kasta jirta dood fikirkaas ka soo horjeedda oo tilmaamta in ay arrintaasi tahay uun sheekabaraley aan raad cilmiya oo sugan loo hayn.

Labadii boqol ee sano ee ugu dambeeyey, iyo gaar ahaan laga soo bilaabo horraantii qarnigii labaatanaad, waxa ay culimada raadraaca aataarta iyo cilmibaadhista hadhaadiga nooluhu meelo kala duwan oo dunida ah ka heleen qolfoof aadame oo aad uga waaweyn inta uu caadi ahaan bani’aadamka hadda nooli le’eg yahay, waxaa la helay raad caageed dhagaxoobay oo markii la cabbiray xoojiyey aaminsanaantii soo jireenka ahayd ee inoo sheegaysay in dadkii hore aad inooga waaweynaayeen.

Arrinta yaabka lihi waxa ay tahay in waaweynidaas ay dadkaasi waaweynaayeen marka la isla qiro kadib, ay haddana doodi ka taagan tahay in dadkii xilligaas oo dhami sidaas u waaweynaayeen iyo in ay tahay arrin ku koobnayd qabiilo ama ummado gaar ahaa, waxa kale oo jira dood dhinaca cilmiga ah oo la xidhiidha in dadkaasi sababta ay u waaweynaayeen ay dabiici ahayd iyo in ay xanuun ama dhibaato dhinaca abuurka ah ay qabeen. Tusaale ahaan cilmibaadhiso uu sannadkii 2012-ka faafiyey maxadka caanka ah ee National Geographic ayaa aaminsan in aadamaha waaweyn ee la sheegaa aanay dunida ugu noolayn sida sheekobaraleyda lagu arko ee ah in ay meel kasta joogeen, ama dadkuba sidaas waa ahaa, balse ay ahayd arrin marmar ama meelaha qaar lagu arko, sababteeduna ahayd faafitaanka cudurka afka qalaad lagu yidhaahdo Gigantism, oo ah ballaadhasho iyo weynaan aan caadi ahayn oo qofka ku dhacda, sababteeduna tahay koritaankiisa oo joogsan waayey, kadib markii uu xanuun ama khalkhal ku dhacay isu-dheellitirnaanta hormoonnadiisa.

Qormadan oo uu wargeyska Geeska Afrika afsoomaali u rogay ayaa Shabakadda Huffington Post waxa ay ku eegaysaa qisaska qolfoofyo iyo hadhaadi aadame aad u waaweyn oo ay cilmibaadhayaashu meelo kala duwan oo dunida ah ka heleen, kana qaateen fahamka ah in sheekabarelydaas hore ay xaqiiq tahay.

Lafihii laga helay harada Dalavan, ee gobalka Wisconsin

Bishii Shanaad ee 1912 kii, ayaa uu wargeyska New Times qoray in laba nin oo walaalo ahaa oo uu magacoodu ku sheegay walaalaha Peterson oo koonfurta gobalka Wisconsin ee dalka Maraykanka ka helay 18 qolfoof oo lafahoodu ay si aan caadi ahayn uga weyn yihiin inta caadiga ah.

Qolfoofyadaas ayaa marka ay qof ahaan isugu dhan yihiin uu dhererkoodu dhamaa inta u dhexsysa 2 Mitir iyo Rubuc, illaa 2 Mitir iyo badh. Arrinta dhererkaba ka daran ee qolfoofkan lagu arkay waxa ay ahayd madaxa oo si yaab leh uga weynaa inta caadiga ah ee qofka laga fisho, lafta daanka ayaa inta caadiga ah ka dheerayd, si weyna uga dhex muuqata dhismaha guud ee madaxa, waxa intaasba ka sii daran oo qolfoofyadan lagu arkay in ilkaha hore ay la mid yihiin gawsaha caadiga ah ee imika innagu yaalla.

Wargeyska New York Times ayaa faafiyey in sannadkii 1891 kii, ay culimada raadraaca aataartu ay heleen aataar ah buuro ahraam aad u waaweyn ah oo ku yaalla xeeliga harada Melissa ee magaalada Madison oo iyaduna ka tirsan gobalka Wisconsin.

Baadhitaanno dheer kadib xeeldheerayaashii hadhaadigan iyo aataartii ku lammaanayd baadhay, waxa ay gaadheen natiijo ah in ay jiri jireen dad waaweyn (Cimlaaq ah) oo waqtiyo aad u fog ka hor deggenaan jiray dhulkaas, laakiin nasiibdarradu ay tahay taariikhda oo illaa hadda ku fashilantay in ay xadaaraddoodii iyo hab-nololeedkoodii xog ka hesho.

Faalo Ka Dhiibo

comments