Waxka Baro Xidigyada Hollywood Ee Ugu Mushaharka Badan Taariikhda Sinimooga

Marka uu arinku ku xidhan yahay caan nimada, guulaysiga iyo matalaada, waxa horteena ah dariiq dheer oo lagu qiyaasi karo, ha haato abaal marinnada, ixtiraamka, amaanta ay amaanaan dadka wax dhaleeceeyaa, balse dhinaca kale

waxa ay dadka aflaamta soo saaraa ka fuur yeelaan oo kaliya faaidada kasoo galaysa.

Hadaba Hawraar.com  waxa ay idiin soo taxaysaa liiska jilayaasha ugu lacagta badan taariikhda aflaamta, sida uu qoray websiteka Prince Insider.

Tom Hanks

large (1)

Lacagta jilaaga wayn ee Tom Hanks uu ka helay jilida aflaamta ayaa waxa lagu qiyaasay 4.2 Billion Dollar, waxaana uu lacagta ugu badan ka helay filimka Toy Story 3, kaasi oo uu noqday celcelis ahaan lacagta uu ku qaato Film kaste 101 Million Dollar.

Morgan Freeman
large (2)

Jilaagan madawga ah “Morgan Freeman” ayaa waxa uu haystaa lacag dhan 4 Bilyan oo Dollar, taasi oo uu ka faaiday shaqadiisa jilida filimada, lacagta ugu badan waxa uu ka qaatay Filimka The Dark Night, waxaanuu celcelis ahaan u qaataa Filimka kalia 77 Milyan oo Doollar.

Harrison Ford

large (3)

Intii uu ku dhex jiray fanka, ayaa waxa uu ka qabtay lacag dhan 3.85 Bilyan oo Dollar, isaga oo lacagta ugu badan kasoo xareeyay silsilada Star Wars gaar ahaan qaybta koowaad, taasi oo celcelis ahaan lacagta uu filim kaste ka qaato lagu qiyaasay 101.4 Milyan dollar.

Eddie Murphy
large (4)

Filimkiisa Shrek 2, waxa uu ka qaatay lacgtii ugu badnayd ee uu ka soo xareeyo filim, taasi oo celceliska lacagta uu ka helo filim kate ka dhigtay 100.3 Milyan dollar, isaga oo lacagtiisa lagu qiyaaso 3.81 Bilyan Dollar.

Samuel L Jackson

large (5)

Lacgta uu ka soo xareeyay aflaamta ayaa lagu qiyaasay 3.74 Bilyan Dollar, waxaana dakhligii ugu badnaa uu ka helay filimka The Avangers, taasi oo celceliska lacgta uu kasoo xareeyo filimkaste ka dhigtay 61.3 Milyan dollar.

Tom Cruise

large (6)

Ilaa io intuu bilaabay jilista aflaamta, ayaa Tom waxa uu uruuriyay lacag dhan 3.29 bilyan dollar, isaga oo celcelis ahaan filinkaste ka qabta lacag dhan 96.3 Milyan waxaana lacagtii ugu badnayd uu ka helay filimka Word Of the Worlds

Bruce Wills

large (7)

Lacagta uu jilagani haysto ayaa dhan 3.17 Bilyan Dollar, filimkii uu lacagta ugu badnayd ka qaybtayna waxa uu ahaa Sixth Sense, taasi oo celcelis ahaan uu filimkii ka helo lacag dhan 55.7 Milyan Dollar.

Johnny Depp

large (8)

Filimkii ugu macaashka badnaa ee uu matalaa waxa uu aha silsilada caanka ah ee The Pirates Of Caribbean: Dead Man’s Chest, taasi oo isu gayn lacagta uu haystaa ay gaadhay 3.1 Bilyan Dollar, Celcelis ahaanna filimkii waxa uu ku jilaa lacag dhan 76.8 Milyan Dollar.

Robert Doweny Jonior
large (9)

Kadib markii uu filimkii ugu lacagta badnaa ee uu matalay noqday filimka The Avangers, waxa uu celcelis ahaan mushaharkiisu gaadhaa 61.3 Milyan Dollar filim kaste, lacagtiisa oo dhanina waxay isku tahay 3 Bilyan oo Dollar.

Cameron Diaz
large (10)

Quruxlaydan indhaha buluga ah leh ayaa lacagteedu waxay gaadhaysaa 2.82 Bilyan Dollar, waxaana lacagtii ugu badnayd ka faaiday filimka Shrek 2, taasi oo celcelis ahaan filimkii ka faaida lacag dhan 91.1 Milyan Dollar.

WIXII TALO IYO TUSAALE AH WAXAAD NOOGUSOO HAGAAJINTARTAAN
cma144@hotmail.com

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply