Waxyaabaha Keena Gacmo Dhididka Iyo Sida Layskaga Dawayn Karo

Dhididka badan ee qofka uu ku arko gacmihiisa ama lugahiisa waxaa caafimaad ahaan loo yaqaannaa “Hyperhidrosis” oo macnaheedu yahay cillada dhididka xad dhaafka ah.

Qofka markuu kululaado ama uu jimicsi sameeyo inuu dhidido waa arrin caadi ah oo eebbe ugu talagaly in jidhka lagu qaboojiyo si loo yareeyo heerkulka.

Waxaa kaloo dabiici ah hadduu qofka xanaaqo ama naxo ama warwero inuu dhidid ka yimaado.

Laakiin cillada ku kooban sacabada iyo calaacalaha oo aad looga dhidido iyadoo aysan jirin wax kiciyo sida aan kor ku soo xusay waa cillad qanjirrada dhididka oo si xad dhaaf ah u shaqeeyo.

Qofka qabo cilladaan, waxaa kacsan qanjirrada dhididka u qaabilsan ee ku yaallo jirka ama meelo gooni ah sida sacabada iyo calaacalaha, qofka uu dhididka badan ka sii welwelo ama dhibsado waxay sii kordhinaysaa dhididka horay u badnaa.

Hadduu iyadoo cillada dhididka badan jirto, qofka uu sii welwelo ama naxo wuu ka sii daraa dhididka sida markii aad imtixaan ka shaqaynayso oo kale.

haddii calaacalaha aad ka dhidido waxaa loo yaqaanaa “Palmar Hyperhidrosis” kan cagahana “Plantar Hyperhisrosis”.

Dhididka badan oo noocaan ahi, wuxuu noqon karaa mid dahxal ah oo aan la xiriirin xanuun kale.

Laakiin waxaa dhacdo xaalado caafimaad darro oo dhididka siyaadiyo waxaana ka mid ah cudurradaan soo socda:
1- Kacsanaanta dheecaanka korriinka jirka “Growth hormone”
2- Cilladaha niyad jabka iyo welwelka ee maskaxda ku dhaca.
3- Kansarka
4- Daawooyinka qaar oo si qaldan loo isticmaalo
5- Kacsanaanta qanjirka thyroid-ka
6- Tiibishada sambabka ku dhacdo “Qaaxada”
7- Xanuunka Buruseelka
8- Dhaawac xangullaha lafdhabarta
9- Faalijka nooc ka mid ah
10- Xanuunka xasuusta lumiya ee Parkinson
11- Xilliga dhalmodeyska ama caadada istaagto.
12- Cillada sonkorta dhacdo
Haddii qofku iskala noolaan karo wax dhib ah kuma yeelaneyso laakiin haddii ay saameyn ku yeelato nolol maalmeedkiisa waa inuu la xiriiraa takhtar si xal loogu helo.

Dadka ugu badan ee dhibaato ku qabo ayaa waxaa ugu horreeyo ardayda weliba xilliyada imtixaannada maadaama ay niyad kacsaniyihiin dhididkane uu saaid yahay taasoo keenta in ay warqadaha iska qooyaan imtixaankane ka shaqayntiisa dhib ku noqdo.

Hababka kontoroolidda dhidhidka xad dhaafka ah waxaa lagu yarayn karaa kareemyada leh deodorants-kaoo ay ku jirto maado loo yaqaanno “antiperspirants” oo dhididka yarayso.

Waxaa kaloo lagu joojiyaa iyadoo koronta lagu qabto qanjirrada dhididka siyaadada ah u soo daayo ama cirbad lagu duro ama qalliin lagu sameeyo neerfaha kontoroolo qanjirrada dhididka.

Daaweyntaan waxay ku xiran tahay qofka xaaladiisa heerka ay gaarsiisan tahay iyo meesha dhididkiisu u badan yahay.

haddii cilladaadu aysan gaarsiisneyn heer daawo ama qalliin waxaa jiro tillaabooyin aad guriga ku samayn karto si aad dhididka iskaga yarayso:
1- Baradho inta aad xaliif ahaan u jarjartid, gacmaha ama meelaha aad uga dhidido ku xoqo.
2- Cusbo iyo liin dhanaan la isku daray marso meelaha aad uga dhidido waxay yareeyaan shaqada qanjirka dhididka.

Xigasho:somalidoc.com

shabakada darwiish online news

 

Faalo Ka Dhiibo

comments