Sanadka fooda inagu soo haya ee 2018ka ayaa waxa aad loo sugaya Arooska Amiirka ka tirsan boqortooyada Dalka Britain ee Amiir Harry iyo Megan Mercel.

Balse waalidka dhalay Megan ayaa waxa uu aad uga xumaaday hadal ka soo yeedhay Amiir Harry kaasi oo ahaa “Megan waxa ay aaminsantahay in qoyska ay u dhaxday aanu jirin qoys la mid ah”.

Hadalkan ka soo yeedbay Amiir Harry ayaa noqday mid uu aad uga xumaaday Waalidka Dhalay Gabadha Megan ee ay is guursan doonaan Amiir Harry horaanta sanadka soo socda ee 2018ka .

Tomas Mercel oo ah Megan walaalkeed oo arrintaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “waxa xaqiiq ah in Megan ah leedahay qoys ay ka soo jeedoo oo munaasabad kasta oo soo waajahda si wanaagsan ula dabaal daga”.

Waalidka dhalay Megan oo ay Da’diisu tahay 73 jir isla markaana ku nool Dalka Mexico ayaan ilaa iyo haatan aanah is arag Amiir Harry oo gabadha uu dhalay ee Megan ay u doonantahay.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA