Wiil 11 jir ahaa oo u dhashay Dalka Britain ayaa waxa uu gilgilay guud ahaan Dalkaasi Britain wiilkaasi yar ayaa waxa uu ku kacay waxyaabo aanay caruurta yaryari ku kicin waana sababta keentay in talaabada uu qaaday u gilgishay Dadka ku dhaqan dalkaasi.

 

Wiilkan yar ayaa waxa uu rasaas ku furay walaashi oo 2jir ahayd,waxaanu rasaastaasi ku furay xili uu ku ciyaarayay Baastoolad aabihii lahaa

Naxdinta uu wiilkaasi yar ka naxay dhibaatada uu sameeyay ayaa waxa ay ku kaliftay in uu baastooladii isku soo jeediyo oo uu madaxa iskaga dhufto isla goobtiina uu ku geeriyoodo.

Baastooladaasi ayaa waxa ala xaqiijiyay in ay ahayd mid uu wiilkaa yar aabihii lahaa isla markaana ay sharciyaysnayd,waxaana waalidiinta lagula taliyay in hubka ay isticmaalayaan ay ka dheereeyaan goobaha ay ubadkooda yaryari gaadhayaan si aanay dhibaatooyin sidan oo kale ah u gaysanin.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.net

KA DHIIBO FIKIRKAAGA